Wakiilka Somaliland u fadhiya Sweden oo soo saaray Dhambaal isugu jira hambalyo iyo mahad ku socda Sweden

0
858

Stockholm,(HargeisaPress)-Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Sweden Ambasador Sakariye Xasan Wacays, ayaa Shacbiga iyo Dawladda Somaliland ku hambalyeeyey sanad-guurrada 30aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqshada madaxbanaanida Dalka.

Danjire Sakariye Xasan Wacays oo munaasibada dabaal-degga xuska 18 May soo saaray Qoraal uu kaga hadlayo qiimaha iyo maamuska maalinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si qoto dheer u sharaxay arrimaha ay xambaarsantahay maalintaasi, isagoo dhinaca kale Dawladda Sweden ku bogaadiyey taageerada ay siiso Somaliland.

Qoraalka danjiraha oo ku qornaa Luuqada Ingiriisiga, si gaar ahna u taabanayey guulaha iyo horumarka Somaliland gaadhay tan iyo markii ay qaranimadeeda la soo noqotay, ayaa isagoo aanu turjunay u dhignaa sidan:-

Anigoo ku hadlaya magaca Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Sweden, waxaan jecelahay inaan la wadaago dareenkayga ku aaddan Somaliland maalinta gaarka ah ee Sannad-guurada madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, guud ahaan shacbiga iyo Dawladda Somaliland. Waa munaasabad lagu xusayo sanad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay dib-ula-soo noqoshada xornimada Somaliland, oo ku beegan maanta oo ah 18 Bisha May oo aan ku hambalyeynayo guud ahaan qarankayga Somaliland.

18-ka May waa maalintii ay shacbiga Somaliland la soo noqdeen qaranimadoodii, waana maalin ay shacabka reer Somaliland xusaan halgankii lagula soo noqday qaranimadaas. Maanta oo kale, Somaliland waxay xasuusataa safarkii dheeraa ee ay soo martay iyo wixii u qabsoomay ilaa 1991 markii ay xornimada la soo noqotay.
In kasta oo dadka reer Somaliland ay la soo gudboonaadeen caqabado badan socdaalkaa dheer, haddana waxay ku tallaabsadeen horumar ballaadhan 30kii sano ee la soo dhaafay.

Maalintani ma aha oo kaliya inay xusto amma astaan u tahay maalinta madax-bannaanida Somaliland ee waxay muujineysaa sida ay Somaliland uga horumartay dhinacyada dhismaha nabadda, dib-u-dhiska dalka iyo hay’addaha dawladda, doorashooyinka iyo horumarka kale.

Guusha ay gaadhay Somaliland waxay ugu wacan tahay midnimada iyo wadajirka dadka reer Somaliland.

Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Sweden iyo Dawladda Somaliland waxay mahadnaq iyo bogaadinba u dirayaan Dawladda Sweden sida ay uga qayb qaateen horumarka Somaliland.

Hadaanu nahay Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Sweden waxaan rajeyneynaa inaan idinla shaqeyno si aan u taageerno horumarka iyo horu-socodka Somaliland.
Waxaan aaminsanahay in taageerada aad siisaan Somaliland ay saameyn togan ku yeelan doonto guud ahaan gobolka, maadaama ay Somaliland hada ifitiin u tahay dimuqraadiyada gobolka Geeska Afrika.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here