Sheekh Shariif oo Si Cajiib Ah Uga Hadlay Xuska Maalinta Qaranimadda Somaliland Ee 18-ka May

0
1567
Sheekh Shariif
Sheekh Shariif

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa uu si cajiib ah uu uga hadlay 30 guurada ka soo wareegtay madax-bannaanida Qarannimada Somaliland ee 18 May oo ah markii Somaliland la soo noqotay xornimadii 1960-kii.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa xuska maalinta18-ka May awgeed hambalyo u diray dhamaan shacabka reer Somaliland gude iyo dibedba meelkasta oo ay joogaan, dabaal dagaya xuska maalinta18-ka May.

Sheekh Shariif, ayaa shacabka reer Somaliland ku bogaadiyay nabada iyo xasiloonida siyaasadeed ee ay dhidibaha u taageen mudada 30-ka sanno ah.

“Waxaan hambalyo u dirayaa walaalaha Somaliland oo xusaya 18 May meel kasta oo Caalamka ay ka joogaan, anigoo ugu tahniyadaynaya nabadda, xasilloonida Siyaasadeed iyo hirgalinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee ay ku guulaysteen,” ayuu yidhi Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in qadiyadda Somaliland iyo xaalkeedu uu yahay arrin masiiriya, islamarkaana ay muhiim u tahay dib u yagleelida dowladnimo lagu wada kalsoon yahay oo Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala fadhiisto hogaanka Somaliland oo matalaya bulshadooda, si looga qanciyo 30 sanno ka hor dhibaatadii gaadhay, iyada oo laga garaabayo arrintaas.

“Waxaan aaminsanahay in qadiyadda Somaliland iyo xalkeeda ay tahay arrin masiiri ah, muhiimna u ah dib u yagleelidda dowladnimo lagu wada kalsoonyahay oo Soomaaliyeed, taasoo nooga baahan in xil gaar ah la iska saaro, iyadoo lama huraan ay tahay in lala fadhiisto, la dhagaysto si looga qanciyo 30 sano ka hor dhibaatadii gaadhay oo garowshiyo nooga baahan.”ayuu yidhi.

“Waxay tusaale wanaagsan u noqdeen mudadaas 30ka sano Soomaalida inteeda kale, iyagoo ku guulaystay sugidda Amniga, Horumarka Bulshada iyo in dadku ay doorasho galaan iyagoo xulanaya cidda hogaaminaysa.”

Sheekh Shariif, ayaa ugu dambeyntiina si weyn ugu amaanay Somaliland hanaanka doorashooyinka qof iyo cod oo ka hirgelay Somaliland, iyada oo shacabku doortan cida qabanaysa hogaankooda.

Geesta kale, dowladda Somaliland, ayaa maanta u dabaal-degaysa 30 guuradii ka soo wareegtay madax-bannaanida Qarannimada Somaliland ee 18 May oo ah markii Somaliland la soo noqotay xornimadii 1960-kii, iyadoona dalka iyo dibadiisaba ay shacabka Somaliland si weyn uga dabaal gegayaan maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here