Wakiilka Somaliland Ee Faransiiska Oo Ka Qayb Galay Shir Ku Saabsan Ka Faa’iidaysiga Baddaha

0
943

Paris (Hargeisa Press.com)– Safiirka Somaliland u fadhiya magaaladda Paris ee dalka Faransiiska Cali Ismaaciil Xasan, ayaa ka qayb galay shir ku saabsan ka faa’iidaysiga khayraadka Baddaha, kaasoo lagu qabtay magaaladda Brest, oo  xeebta ku taalla.

Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa noqonaya kii 13aad ee la qabto,  waxaana  ka soo qayb galay shirkado maalgashi, xirfadleyaal iyo shirkadaha ka ganacsiga khayraadka Baddaha ee Faransiiska iyo qaar kaloo caalami ah.

Waa markii saddexaad oo shir noocan ah lagu soo marti qaado Somaliland, iyadoo laba jeer ooh ore uu shirkaasi Somaliland uga qayb galay danjire Cali Ismaaciil Xasan. Sidaasina waxaa lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Shirkaasi oo socday saddex maalmood ayaa danjiraha Somaliland ee Paris oo khudbad ka jeediyay ayaa halkaasi ka sheegay in fursado maalgashi ay ka banaan yihiin  Baddaha Somaliland ayna amaan yihiin.

Waxaanu danjire Cali, cadeeyay in Badda Somaliland ay  ka bed qabto budhcad Baddeeda. Waxaanu yidhi  “Somaliland waa dal  leh xeeb dhererkeedu gaadhayo 850KM, oo  nabad ah, fursado maalgashi oo kala duwan ayaana  ka jira.

cid kastoo iskaashi dhaqaale iyo maalgashi u dan ah shacabka Somaliland haysa waan soo dhoweynaynaa”.

Geesta kale wasiirka  degaanka iyo nabadelyadda dawladda Faransiiska Mr. François de Rugy, shirka furay ayaa  sharaxaad  ka bixiyay muhiimadda ay leedahay ka faa’iidaysiga khayraadka Baddaha gudaha iyo kuwa caalamka ee ay ku haboon yihiin  fursado maalgashi.

Mr. Rugy,  ayaa sheegay in dalkiisu soo dhawaynayso diyaar na u tahay ka faa’iidaysiga khayraadka Baddaha dihin, isla markaana wadamadoodu diyaar u yihiin isdhaafsiga dannaha dawladaha kale.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here