“Natiijo kastoo ka soo baxda wadahallada waxay wax ka beddelaysaa xaaladda…”

0
361

Paris (HP): Madaxweynihii hore ee Somaliland Daabir Rayaale Kaahin, ayaa  ka hadlay wadahadallada u socda  xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland.
Waxaanu sheegay in natiijo kasta oo ka soo baxda wadahallada Xukuumadda iyo Asxaabta Mucaaradka u socdaa waxay wax ka beddelaysaa xaaladda cakiran ee bilihii u dambeeyey dalkeennu galay.
Waxaanu yidhi, “Natiijo kasta oo ka soo baxda wadahallada Xukuumadda iyo Asxaabta Mucaaradka u socdaa waxay wax ka beddelaysaa xaaladda cakiran ee bilihii u dambeeyey dalkeennu galay.
Siyaasiyiin ka mid ah saaxiibbadda iyo daneeyayaasha Somaliland oo qaarkood ila soo xidhiidheen ayaa ila wadaagay in khilaafka ka taagan Somaliland iyo dib-u-dhac ku yimaad doorashooyinku uu werwer weyn ku hayo.
Iyagoo walaac ka muujinayey dimoqraadiyadda Somaliland.
Dhankayga waxaan u iftiimiyey in Somaliland leedahay waxgarad marka siyaasiyiintu isqabtaan dhexgala, is-faham la’aanta iyo Khilaafkuna waa sunnaha dawladnimada”.
Daahir Rayaale, waxa kaloo uu xusay inuu ka rejaynayo in wadahadalkaasi ay ka soo baxdo natiijo ka farxisa shacabka Somaliland.
“Natiijo shacabka Somaliland ka farxisa ayaan rajaynayaa in ay ka soo baxdo shirka wada hadalka ah ee u furmay Madaxda Xukuumadda iyo Madaxda Xisbiyada” ayuu ku yidhi qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook ku baahiyay Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynihii 3aad ee Jamhuuriyadda Somaliland oo haatan ku nool dalkaFaransiiska.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here