Waa Sidee Xaalada Caafimaad Ee Boqoradii Fanka Soomaalida Ee Khadra Daahir?

0
1191

Hargeysa (Hargeisa Press) – Fanaanadda weyn ee caanka ah ee Khadra Daahir Cige oo maalmihii u dambeeyay ku xanuunsaneysay magaalada Hargeysa, ayaa xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaalka international ee magaalada Hargeysa.

Fanaanadda Khadra Daahir oo marka hore ay xaaladeeda caafimaad wanaagsanayd, ayaa waxaa mar qudha ku soo booday xanuun kedis ah, iyada oo xalaadeeda caafimaad ay dhakhaatiirtu la tacaalayaan.

Xanuunka ku soo booday Fanaanadda Khadra Daahir Cige, ayaa dhakhaatiirtu ku sheegeen inuu yahay xanuunka loo yaqaano “lemonia”oo ay sambabada qabow ka galay.

Hadaba xaalada caafimaad ee fanaanadda Khadra Daahir Cige siday ay hada tahay, ayaa waxaa ka warantay Fanaanada Cadar Axmed Kaahin oo ku booqatay cusbitaalka.

LEAVE A REPLY