Dowladda Itoobiya oo Magacowday Guddiga Wadahadal La Fura TPLF

0
584

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Dowlada Itoobiya, ayaa waxaa ay magacawday guddi wadahadal la geli doona falaagada gobolka Tigreega ee TPLF ee dagaalka ay kula jirtay.

Xubnaha guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo ee Itoobiya oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay in dowladda faderaalku ay aas-aastay guddiga wadahadalka xallinta dhibaatada Waqooyiga Itoobiya, kaas oo ka kooban 7 xubnood.

Guddigan, ayaa waxaa ku jira xubno culus oo xilal sare ka haya dowladda federalka Itoobiya, sida Taliyaha Sirdoonka Itoobiya, lataliyaha Ra’iisal wasaare Abiyi Axmed ee dhanka amniga iyo xubno kale.

Dowladda Itoobiya, ayaa guddigan u magacwaday si xal nabadeed lagaga gaadho dagaalka sokeeye ee mudada sannad iyo badhka ka soconayay Waqooyiga Itoobiya, kaas oo u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Labada dhinac eeDowladda Itoobiya iyo TPLF, ayaa hore waxay iskugu raaceen inay wadahadal gali doonaan, kaas oo ay gadhwadeen ka yihiin Midowga Afrika kana dhici doona dalka Kenya.

TPLF wali kama ayna hadlin xubnahan ay dowladda Itoobiya u soo magacawday inay wadahadal la galaan TPLF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here