Meydadka Tahriibayaashii Ugu Badnaa oo Laga Helay Mareykanka

0
637

Washington (Hargeisa Press) – Mas’uuliyiinta gobolka Texas ee koofurta Mareykanka, ayaa sheegay in la helay meydadka 46 tahriibayaal ah oo Isniintii ku dhex dhintay baabuur weyn oo ah kuwa xamuulka qaada.

Madaxa dab damiska magaalada San Antonio Charles Hood, ayaa waxaa uu weriyeyaasha u sheegay in 16 qof oo kale oo ay afar caruur ah ay ku jiraan cisbitaalka loo qaaday si looga daweeyo dhaawacyo ay kala kulmeen kulaylka.

Gaadhigan xamuulka ah, ayaa laga helay agagaarka wadada tareenada oo ku taalla duleedka koonfureed ee San Antonio, Iyadoo heerkulka magaaladan ayaa kor u dhaafay 39 darajo Celsius (103 darajo Fahrenheit) maalintii Isniintii oo uu sido kale jiray huur badan.

Booliska San Antonio, ayaa sheegay in aanay weli garaneyn halka ay ka soo jeedaan dadkii ku dhintay gaadhiga xamuulka ah, iyadoo hay’addaha federaalka mas’uul ka yihiin baadhitaanka dhacdadan.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mexico Marcelo Ebrard, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in sida uu sheegay qunsulka Mexico oo tagay meesha ay ka dhacaday arrintan in dadka isbitaalka loo qaaday ay ku jiraan laba qof uu dhashay Guatemala.

Ebrard waxa uu sheegay in gaadhigan uu lahaa taariko Mareykan ah, isla markaana ay u badan tahay in dhacdadan ay ka dambeeyeen dadka wax tahriibiya.

Dhacdadan, ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu dhimashada badan ee soo gaadha tahriibayaasha u kala gudba xuduudda dalalka Mareykanka iyo Mexico.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here