Waa Cusub oo U Billowday Turkiga iyo Mareykanka

0
635
Recep Tayyip Erdogan iyo Joe Biden
Recep Tayyip Erdogan iyo Joe Biden

Ankara (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa Isniintii sheegay in Turkiga iyo Mareykanka ay gelayaan “waa cusub” oo xidhiidhkooda ah, kadib markii xidhiidhka xulufadan NATO uu sanadihii dhowaa u xumaaday arrimo dhowr ah.

Erdogan oo ka hadlayay kulanka Golaha Wasiirada, ayaa waxa uu ugu baaqay Mareykanka inay xushmeeyaan xuquuqda madax-banaani ee Turkiga, iyada oo ay u muuqato inuu ula jeedo go’aanka ay ku soo iibsatay gantaallada Ruushka.

Erdogan, ayaa hadalkan jeediyay maalmo kadib markii uu kulankiisii ugu horreeyey ee weji-ka-weji ah la yeeshay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden tan iyo markii uu xafiiska yimid. Labada nin, oo muddo isgaranayay, ayaa ku doc kulmay shir madaxeedkii NATO ee Brussels.

“Waxaan aaminsannahay inaan xallin doonno arrimaha dhibaatada leh ee inoo dhaxeeya, iyada oo lagu saleynayo filashooyinka iyo dareenada labada dhinac,” ayuu yidhi Erdogan.“Waxaan isku racanay inaanay jirin arrimo aynaan ka gudbi karin, islamarkaana arrimaha aan iska kaashan karno ay ballaadhan yihiin oo ay faa’iido badan yihiin.”

Erdogan, ayaa wada-hadalladii uu la yeeshay Biden ku qeexay kuwa dhameystiran oo midho-dhal ah, wuxuuna sheegay in labadooda ay isku raaceen inay mar kale kulmaan.

“Waxaan aaminsanahay inaan albaabada u furnay waa cusub oo ku saleysan niyad wanaag iyo wax dhis,” ayuu yidhi madaxweynaha Turkiga.

Erdogan ayaa yidhi “Dalabka kaliya ee Turkiga waa in la ixtiraamaa xuquuqdeeda madax-banaani ee dhaqaale, lagana taageeraa halganka ay kula jirto ururada argagixisada ah ee ku sugan gudaha iyo dibedda xuduudaheeda.”

AP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here