Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo Walaac Ka Muujiyay Dhibaatooyin ku Gedaaman wacyigalinta Diiwaangalinta Doorashooyinka

0
1042

Hargeysa, (HargeisaPress) —Suxufiyiinta Somaliland waxa uu walaac balaadhan ka muujinayaa in hawlihii ay warbaahintu qaranka u haysay ee ahayd wacyigalinta ay la wareegaan hay’addo Caalami ah iyo kuwo Wadani ah, taasoo sababtay in ay bulshada gaadhi waayaan aqoontii ay u yeelan lahaayeen qorshayaasha siyaasadeed, Bulsho iyo shuruuc ee ay u baahnaayeen in ay helaan.

Xiligan oo lagu jiro wakhti xaasaasi ah, gaar ahaana dhinaca Doorashooyinka waxa jira inaanay bulshadu xog badan ka haynin qaabka iyo hanaanka ay wax u wadaan Hay’addaha Dawliga ah iyo kuwa kale ee ay khusayso, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in warbaahintu hesho warbixino dhamaystiran oo bulshada lagula socodsiiyo masiirkoodu halka uu marayo.

Warbaahinta Somaliland waxay hore ula socotay in dhibaatooyinkii ka dhacay Diiwaangalintii Cod-bixiyayaasha iyo Doorashooyinka ka danbeeyeyba ay sabab u ahaayeen Hay’addihii iyo masuuliyiintii ku shaqada lahayd hawshaas, gaar ahaan dhinaca wacyigalinta oo aad u hoosaysay sida ay xuseen warbixinihii ay soo saareen Hay’adihii loo xil saaray la socodka hawlahaasi.

Sidoo kale-na waxa soo shaac baxaya in mugdi badani ku jiro qaabka loo maareeyey hawsha wacyigalinta Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha oo ay Hay’adda IOM bixisay Qandaraaska wacyigalinta oo ah hawl muhiim u ah inay Dalka oo dhan ka wada dhacdo Diiwaangalinta Codbixiyayaashu maadaama oo tii hore u xumaatay sidan oo kale.

Waxa kale oo muuqata in xilkii Komishanka Doorashooyinku lahaa ee ahayd inay hagaan hawlaha caqabada ku noqon kara hawl maalmeedkooda inay wali gacanta ugu jiraan hay’addaha Somaliland ka caawiya hanaanka Doorashooyinka, kuwaas oo aan ilaalinayn shuruucda iyo nidaamka u dajisan Qarankan.

Wali waxa taagan khilaafkii ka dhashay dariiqii loo maray Muddo kordhinta wakhtiga Xukuumadda oo ka dhashay xil gudasho la’aanta hay’addaha Dawliga ah iyo kuwa Somaliland caawiya oo ka dib dhacay inay fuliyaan hawlihii caqabada ku aha in Doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan oo ay ugu horaysay khaladaadkii galay Diiwaangalintii hore oo hadana imika la doonayo in mid cusub la sameeyo.

Warbaahinta Somaliland waxay la socotaa in khilaaf balaadhani ku dhex maray hay’adaha bixiya Qaadhaanka hawlaha Doorashooyinka iyo kuwii ku tartamay qalabka la doonayo in Diiwaangalinta lagu qabto, dhacdaadaas oo aan illaa hada cadayn halka ay ku danbaysay, kadib markii Dacwad gaadhay Midawga Yurub lagu baabi’iyey Qandaraaskaas qayb ka mid ah oo lagu helay in loo bixiyey sifo sharci darro ah oo ka hor timid habka loo bixiyo Qandaraasyada.

Tartankii ugu danbeeyey ee ay IOM ku bixisay qandaraaska wacyigalinta oo ay ka qayb qaateen ku dhawaad Afartan Urur(NGO) waxa ka muuqda mad madow badan oo ka baxsan shuruudihii ay ku soo xayaysiiyeen in loogu tartamayo, iyo doorkii ay lahaayeen Komishanka Dorashooyinka qaranka, waxaanay arrimahaasi horseedi karaan in ay ka soo baxaan caqabado la mid ah kuwii ragaadiyey Diiwangalimihii hore, hadaan la tixgalin kaalinta ay warbaahintu ku leedahay hawshan.

Sidaas daraadeed, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu ugu baaqayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hay’addaha Qaadhaan-bixiyayaashu inay ixtiraamaan shaqada warbaahinta Somaliland u hayso Qarankan oo doorkooda loo daayo.

Warsaxaafadeed

 Maxamuud Cabdi Jaamac Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiita Somaliland ee SOLJA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here