UK oo Imaaraatka Ku Dartay Liiska Cas

0
782

London (Hargeisa Press)— Imaaraatka Carabta, Burundi iyo Rwanda ayaa lagu daray “liiska cas” ee dalalka laga mamnuucay in dadkoodu ay safarro ku tagaan UK.

Tallaabada,oo looga gol leeyahay joojinta faafitaanka nooca cusub ee Coronavirus ee ka soo unkamay Koofur Afrika, ayaa dhaqan galaysa maanta oo Jimce ah.

Dadka u dhashay Britain, Ireland iyo kuwa xaqa degganaanshaha ku leh Ingiriiska ayaa loo oggolaan doonaa inay galaan dalkaas balse waxay ku qasban yihiin inay muddo 10 maalmood ah guriga isku karantiilaan.

Tiro ka tirsan dadka caanka ka ah baraha bulshada ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay booqday Dubai iyadoo UK ay mamnuucday safarrada aan muhiimka ahayn.

Waxay ku adkeysteen in safarradooda ay ahaayeen kuwo shaqo, balse Waaxda Gaadiidka ayaa sheegtay inaanay  jiri doonin cid loo eegayo xaalad gaar ah, sida safarrada shaqada ku saabsan.

Sidoo kale waxaa la mamnuuci doonaa duullimaadyada sida tooska ah uga yimaada Imaaraatka Carabta.

Imaaraatka Carabta wuxuu ahaa halka ugu badan ee ay dalxiiska ku tageen dadka UK bishii November 2020, iyadoo 84,500 oo rakaab ah ay isaga kala gooshayeen dalkaas, sida laga soo xigtay Waaxda Duullimaadka Cirka.

Dalalka kale ee ay muwaaddiniinta UK sida aadka ah u booqdeen waxaa ka mid ah Hindiya (54,000), Qadar (38,000) iyo Vietnam (36,000).

Imaaraatka ayaa dalkii 33-aad ku noqonaya dalalka ay UK ka mamnuucday safarrada.

Laga bilaabo maanta saacadda marka ay tahay 04:00 dhammaan dadka ka imanaya dalalkaas ayaa ku qasbanaan doona inay si degdeg ah isu karantiilaan, lagamana oggolaan doono inay baadhitaan isku sameeyaan si ay uga baxaan karantiilka.

Wasiirka Gaadiidka UK Grant Shapps ayaa sheegay in rakaabka loo oggolaado inay galaan UK laga doonayo warqad caddeyneysa inaanay fayraska qabin iyo inay buuxiyaan foomka rakaabka, haddii kalena laga qaadi doono labo ganaax oo min £500 ah.

Muwaaddiniinta Britain ee haatan ku sugan Imaaraatka Carabta ayaa loo oggol yahay inay adeegsadaan habka ay ku imaan karaan UK, sida ay sheegtay Waaxda Gaadiidka.

Maamulka Garoonka Dubai ayaa sheegay in dhammaan duullimaadyada tooska ah ee lagu waday inay UK tagaan abbaaro 13:00 maanta oo Jimco ah dib loo dhigay rakaabkana loo sheegay inaanay imaan garoonka.

Shirkadda Etihad Airways ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan duulimaadyadeeda rakaabka ee tagi lahaa UK la joojin doono xilligaas ilaa maar dambe.

Waxay arrintan ku soo beegmaysaa kaddib markii ay dowladda UK Arbacadii ku dhawaaqday shuruuc adag oo safarka ah.

Maalintii shalay ahayd, 1,239 oo qof oo dheeraad ah ayaa ku dhintay UK muddo 28 gudahood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here