Ujeedka Shirka maanta Ururka SOLJA uga Furmay magaalada Hargeysa

0
788

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shir laba maalmood Soconaya ayaa maanta magaalada Hargeysa uga Furmay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Haayada Caalami ah.

Shirka waxaa lagaga hadli doonaa dhibaatooyinka Saxaafada Somaliland, tababarka Suxufiyiinta iyo baahiyaha kale ee ay qabto saxaafada Somaliland.

Waxaa shirka kasoo qaybgalay masuuliyiin ka socda haayado caalami ah, madaxda ururka SOLJA, Masuuliyiinta wasaarada Warfaafinta iyo suxufiyiinta Somaliland oo halkaasi isku dhaafsanaya Fikradaha warbaahinta ee Somaliland.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxmuud Cabdi Jaamac oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa haayadaha caalamiga iyo laamaha dawlada ka codsaday in Xarun lagu tababaro suxufiyiinta loo dhiso ururkaasi.

Shirkan waxaa lasoo gabagabayn doonaa maanta

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here