Ugu yaraan labo ruux oo ku geeriyootay dab ka kacay Hargeysa

0
1018

Hargeysa,(HargeisaPress) –Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay dab qabsaday xaafad isku raran ah oo ku taalla magaalada Hargeysa, sida uu BBC-da u xaqiijiyay badhasaabka Hargeysa Jaamac Yuusuf Xaaji Axmed.

Waxaa jira dad dhaawac ah oo aan wali tiradooda la xaqiijin.Xerada barakacayaash ee Istanbul B oo ah goobta uu dabku ka kacay ayaa ku taalla Bariga magaalada Hargeysa.

Badhasaabka ayaa sheegay in ay dhibaato kala kulmeen sidii loo damin lahaa dabka, maadaama aysan waddooyin fiican lahayn xerada gubatay.

Qiyaas ahaan in kabadan soddon kun oo ruux oo barakacayaal ah ayaa ku nool hareeraha magaalda Hargeysa, sida uu sheegay duqa magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii barakacayaasha loo caawin lahaa loona dajin lahaa dhul nidaamsan oo ay leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here