Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda, Hawlaha-guud iyo Qorshaynta?

0
1034

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaraddaha hawlaha Guud, Qorshaynta iyo Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa maanta si wadajir ah u yeeshay Shirkoodii labaad.

Shirkan, waxaa Shirgudoomiyey Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka Dr. Axmed Aadan Buuxane, waxaana Goobjoog ka ahaa Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta C/laahi Abokor Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud.

Sidoo kale, waxaa shirkan Goobjoog ahaa Agaasime Waaxeedo ka kala socday Wasaaradahaasi.

Shirkan, ayaa khuseeyey Mashaariicda dhismaha ee ay Qaranka Somaliland ku caawiyaan Wadamadda kala duwan ee Mashaariicda dhismayaasha ka taageera Somaliland, dhismyaasha ay fuliyaan Hay’addaha Caalamiga ah, Hay’addaha Qaramada Midoobay dhismaaysha ay Somaliland ku taageeraan, International NGO’s, iyo Hay’addaha Khayriga ah, sidii loo soo marin lahaa Mashaariicda Hay’addahaas fulinaya Wasaraadda Hawlaha Guud. Dhulka iyo Guryeynta.

Maadamaa Wasaraadda Hawlaha Qaranka uga wakiil tahay ilaalinta, qiimeynta, Naqshadeynta, iyo Korjoogtaynta dhammaan dhismahayaasha Dowladda, sidoo kale ay ka masuul tahay la-wareegida Documant-ga rasmiga ah ee dhismaha Qaranka Somaliland loo dhisay, goobta laga dhisay, iyo diiwaanglinta hantida Maguurtadda dhamaan dhisme kasta oo Qaranka loo dhisayo noocuu doono ha ahaadee.

Ugu danbayn Wasiirka Qorsheynta iyo Horrumarinta Qaranka Dr. Axmed Aadan Buuxane, Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta C/laahi Abokor Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud, waxay isla Afgarteen inaan Mashruuc kasta oo dhisme lasoo mariyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, isla markaana aan Dalka laga fulin Karin dhisme danbe oo aan soo marin Wasaaradda Hawlaha Guud.

Waxaanay go’aamiyeen in Hay’addii, ama NGO’s-kii ama cidii kale ee dhisme Waddanka ka fuli is tidhaa ee soo marin wayda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here