Turkiga iyo Norway oo Xasan Sheekh Kala Hadlay Wada-hadallada Somaliland

0
2813

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya Haakon Svane iyo Wakiilada Gaarka ah ee dalalka Turkiga iyo Norway.

Xasan Sheekh iyo Danjireyaasha Turkiga iyo Norway, ayaa waxaa ay kulankooda kaga wadahadleen wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu Safiirrada Turkiga iyo Norway ee Soomaaliya u sheegay in ay ka go’an tahay in dib loo bilaabo wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Qoraal ay kulankaas ka soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Xasan Sheekh uu xusay doorka fududeynta iyo isu-soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee dhacay oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira, xaqiijinta xasilloonida iyo horrumarka ay hadda u baahan yihiin in hore loo sii dhaqaajiyo.

Xasan Sheekh, ayaa uga mahadceliyey dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna xusay qorshihiisa qaran ee la xidhiidha Soomaali Heshiis ah, taas oo ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan shacabka Somaliland.

Dhankooda, Wakiilada Gaarka ah ee Turkiga Aykut Kumbaroğlu, Norway Marwo Heidi Johansen iyo diblumaasiyiinta dalalkaas ee uu la kulmay Xasan Sheekh, ayaa ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolasha dadka Soomaaliya oo ay ugu horreyso colaadaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta bulshada.

Si kastaba, Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa dhawr goor oo hore dhacay balse wax natiijo ah oo midho dhala kama ayna soo bixin, iyadoo Qodobka ugu weyn ee la isku hayo taha in Somaliland taagan tahay in Qaddiyadeeda madax-bannaanidu tahay Muqadas, halka Soomaaliya ay taagan tahay midnimadu waa lama taabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here