Guddoomiye Faysal: “Muuse Biixi Haddaan Maanta La Qaban Dalka Ayuu Sahayanayaa”

0
1017
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Warraabe, ayaa dhaliillo xoogan u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu madaxweynaha ku eedèeyay inuu dalka bur bur u hor seedayo haddii aan imika wax laga qaban ficiladda uu ku kacayo.

Guddoomiyaha UCID oo hadal ka jeediyay munaasibad maanta lagu qabtay magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi aanu wax wanaag ah u samayn dalka.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in nidaamka furista ururrada ee uu madaxweynaha Somaliland hor kacayaa uu Somaliland burbur u horseedi doono.

Waxaa uu ku andacooday in sharciga ururrada siyaasada ee xukuumaddu gadhwadeenka ka tahay uu yahay sharci ogolaanaya in beel kastaaba urur gaar ah furato.

Si kastaba, Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka, ayaan isku khilaafsan labada doorasho ee Madaxtooyada iyo ta Ururrada Siyaasada ta soo horaynaysa, iyagoo aan weli ka heshiin labadan arrimood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here