TOGDHEER: Ciidanka Booliska Deeganada Dhoqoshay Iyo Balidhiig Oo Gacanta Kusoo Dhigay Nin Lagu Eedeeyey Inuu Cunay Wiil Yar + Muuqaal

0
998

Burco , (HargeisaPress) — Maalintii shalay ahayd Abaaro 11:00 Duhurnimo ayaa  Degaanka u Dhaxeeya Degmada Balidhiig iyo Taalo Buur Lagu Cunay Alle How Naxaristee inan Yar Lagu Magacabi Jiray Maxamed Carab Buraale Kaasi oo la Joogay Xoolo isla markaasna ay tan iyo maalintii shalayd ahayd ay ciidamada amaanku ku daba jireen sidii ay usoo qaban lahayeen cidii gaysatay falkaasi.

 

Waxaaan wararka naga soo gaadhaya magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer ay sheegayaan in Ciidamada Amaanka Ee Deganada Balidhiig iyo Dhoqoshay Oo Hoos yimada Gobalka Togdheer ay mardhawayd gacanta ku soo dhigeen Gacan ku Dhiiglihii Gaystay Falkasi Foosha Xun leh ee ka dhacay deegaanadaas.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

 

 

ilmahan yar ee maalintii shalay ahayd lagu dilay degaanka u dhaxeeya Balidhiig iyo Taalo-buur ayaa la shegay inay da-diisu ahayd 11 Jir.

 

Taliyaha Qaybta Boliceka Ee Degmada Dhoqoshey Taliya Cali Axmed (Cali Maleeye) oo Shabakadda Wararka ee  HargaisaPress la xidhiidhay ayaa u Xaqiijiyay In Gacanta Lagu Soo Dhigay Gacan Ku Dhiiglihi Cunay Ilmaha Yar Waxaana Lagu Soo Qabtay Magaalada Dhagax Dheer Oo Ka Tirsan Degmada Belidhiig

 

Sida Uu Noo Xaqiijiyay Taliyuhu Ninkan Ayaa Waxaa Ciidanka U Soo Dhiibay,Qoyska Uu Ka Soo Jeedo Gacan Ku Dhiigluhu Kuwaas Oo Gacanta U Soo Geliyay Ciidamada Amaanka Ee Degmada Dhoqoshey,Waxaanu Hada Lagu Haya Ninkan Jeelka Magaalada Dhoqoshey Waxaana Loo Soo Dhaadhicin Doona Dhankaas Iyo Gobolka Togdheer

 

Dilkan Ayaa Lagu Sababeeyay Ninka Wax Dilay Oo Ahaa Nin Xanuunsanaaya Isla Markaana La,Nool Xanuunka Dhibirka Kaas Oo Kusoo Baxay Ilmahan Yar Isla Markaana Mariyay Toori Isagoona Halkaas Ku Gawracay.Taliyaha Ciidanka Degmada Doqoshay Cali Axmed (Cali Maleeye) ayaa xaqijiyay inay Ciidamada Booliska deegaanada oo iskashanayaa ay gacanta ku soo dhigeen Gacan ku Dhiiglahaasi.

 

 

Sakariye Cabdiraxmaan Ibraahin HargeisaPress — Burco

sekeriye80@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here