Toga Wajaale Oo Ku Fatahay Magaalada,Daweynaha Reer Wajaale Oo Ay Cabsi Wayni Soo Foodsaartay iyo Buundada Lamadagaanka Oo Khatar Kusugan + SAWIRRO

0
917

Tog-Wajaale, (HargeisaPress) —Daadadka kasoo rogmadey deegaano fog oo ku beegan dhulka uu kasoo rogmado Toga-Wajaale oo ku siman ilaa Ceel/Axmaar ayaa daadad xoog ahi galinkii dambe ee caawa kasoo fataheen kuwaas oo soo dul jiidhay Buundada u dhexeysa labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland kuna siman dhulka lama deegaanka labada dal u dhexeeya eebadhtamaha togga Wajaale oo usoo fatahey dhinaca Magaalada.

 

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Tog-Wajaale ayaa sheegaya in fatahaada daadkaasi kasoo rogmadey Togu gudaha usoo galeen iyagoo biyo xoogan ah Xafiisyada Maamulka Dawllada ee Kastamka, Laaanta Socdaalka iyo Huteel dhinaca Hurdada ah oo laga sameeyay Badhatamaha Togga kaas oo layidhaa Huteelka Zaad.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale oo guga sanadkan siwanaagsan nimcadu u gaadhey, ayaa daadadka kasoo fataha roobabka ka da, deegaano fogfog ee uu kasoo rogmado Togga Wajaale waxa fatahaada noocan oo kale ahi ugu dambeysay mudo imika laga joogo wakhti fog intii aan Degsiimada laga dhigan qeybo badan oo kamid ah Badhtamaha Togga Wajaale oo damaca Dhulboobku ku soofiyay dad badan, iyadoo in badani dareensan tahey khatarta ay ku sugan yihiin hadii roobab badani ka da,aan kor in Togga Wajaale si xoog ah ugu soo fatahayo dhulka cidhiidhiga ah ee dushiisa iyo nawaaxigiisa aheyd awal hore haseyeeshee, hada ku siman badhtimihiisa sida Huteelka Zaad oo uu mulkigiisa Leeyahey Gudoomiyaha Tog-Wajaale oo boobay dhulkaasi mudo aan fogeyn. Ilaa iyo hada majiraan khasaare badan oo laga soo sheegay fatahaada biyahaasi.

ww1

Togga Wajaale oo ka soo Rogmada Dhul aad ufog oo badhtamaha ugu jira dalka Itoobiya islamarkaana, kusiman Ilaa Ceel/Axmaar iyo inta ka sareysa ayaa, abidkii sidan oo kale usoo rogman jirey Xiliga Guga iyadoo uu sanadihii hore ee Barwaaqada xoog usoo rogman jirey balse inta ay labada Magaalo ee Tog-Wajaale ee Dhinaca Itoobiya iyo Somaliland sida xooga ah u magaaloobeen Xiliyadan dambe waxa uu qaadey Toggu dad badan oo isku dirqiyay in ay kasoo talaabaan maadaama isususocodka iyo Degsiimadu ka dhaxeyso Labada Magaalo ee Dhinaca Daanta Itoobiya iyo Dhinaca Daanta Somaliland ee Tog-Wajaale ukala qaybsanto.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here