Tifatiraha Laanta Af Soomaaliga Ee BBC Oo Is Casilay

0
639

Nairobi (Hargeisa Press): Tifatiraha laanta Afka Soomaaliga ee BBC, Cabdullahi Cabdi Sheekh, ayaa maanta is casilay, taasoo  ku yimid go’aan uu isagu qaatay.

Cabdullahi Sheekh, ayaa  sheegay inay sharaf u ahayd inuu hoggaamiyo shaqaalaha dedaalka badan ee laanta Af Soomaaliga ee BBC.

“Maanta oo aan tegayo, waxaan kalsooni buuxda ku qabaa Wiilasha iyo Gabdhaha aan kaga tegayo laanta Afka Soomaaliga ee BBC.

Inay si wacan oo wanaagsan hawshooda u sii wadi doonaan, si fiicanna ugu adeegi doonaan dhegaystayaasha, oo udub-dhexaad u ah laanta” ayuu yidhi C/laahi.

Geesta kale Rachael Akidi Okwir, oo ah madaxa laamaha Bariga Afrika ee BBC ayaa tidhi, “Cabdullahi wuxuu BBC-da ku soo biiray 13 sanno ka hor. Wuxuu la shaqeeyay laanta Afka Somaaliga, Nairobi iyo London, iyo qaybta warqabadka ee BBC Monitoring.

Wuxuu BBC Somali madax ka noqday badhtamihii sanadkii 2017-kii. Waxaanu fuliyay is beddelo badan oo ay ka mid tahay in idaacadaha laanta laga soo rarro London oo loo soo wareejiyo Nairobi.”

Rachael, waxay sheegtay inay Cabdullaahi uga mahad celinayso sanadaha badan ee uu BBC-da la shaqeynayay.

Sidoo kale, muddadii uu Cabdullaahi tafatiraha ahaa waxaa la billaabay abaalmarinta sannadlaha ah ee Gabdhaha gabya.

Taasoo seddaxdii sano ee la soo dhaafay ay ku guuleysteen gabdho aad ugu wanaagsan lehna xirfadda hal-abuurk gabayada.

Sidoo kale bogagga internet-ka ee BBC Somali ayaa gaaray dhageystayaashii ugu badnaa mudaadii uu xilka hayay.

 

Xigasho: BBC

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here