Tartanka Is Reeb Reebka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Oo Maanta Furmay iyo Natiijada Ciyaarihii Galabta + SAWIRRO

0
1677

Burco, (HargeisaPress) — Ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa galinkii dambe ee Isniinta maanta si rasmi ah uga bilawday magaalooyinka Boorama iyo Burco. Wejiga hore oo labadaasi gobol marti galiyeen ayaa waxaa maanta wada dheelaya afar kooxood.

S7930035(1)

Ciyaaraha oo bilawday 04:00pm ee wakhtiga Burco iyo Boorama ayaa waxay ciyaartay ka socota garoonka kubadda cagta ee Xaaji Daahir ee magaalada Boorama waxay dhex maraysaa gobolada Awdal iyo Hawd, halka magaalada Burco ay kuwada ciyaarayaan gobolka Togdheer iyo gobolka Daadmadheedh.

S7930033

 

Ciyaaraha oo ay ka qayb qaadanayaan 14-ka gobol ee Somaliland ayaa si habsami ah u bilawday, iyadoo gobolada oo dhanna si fiican ugu diyaar garoobeen. Waxaana ciyaaraha gobolada Somaliland ugu dambeysay sanadkii 2013-ka oo gobolka Maroodijeex qaaday sanadkii labaad oo isku xiga.

S7930040

Ciyaaraha gobolada Somaliland ee Awdal ka furmay ayaa waxaa fooda isku daray gobolada Awdal iyo Hawd, waxaanay Gool iyo Eber guushu ku raacday xulka gobolka Awdal ee marti galiyay wajiga hore ee ciyaaraha gobolada galbeedka. sidoo kalena magaalada Burco waxaa fooda iskud aray gobolka Togdheer iyo gobolka Daadmadheedh iyadoo guushu hal iyo Eber guushu ku raacday xulka gobolka Daadmadheedh.

S7930046

 

Maalinta barri ah waxaa Boorama kuwada dheeli doona xulka Maroodijeex iyo Xulka Buuhoodle, halka Burco ay iskaga hor imanayaan xulka Badhan iyo xulka gobolka Xaysimo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here