Taliyihii Hore Ee Ciidammada Ilaalada Madaxtooyada Somaliland Oo Geeriyooday Iyo Madaxweynaha Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay

0
808

Hargeysa, (HargeisaPress) —Alle ha u naxariistee waxa Shalay Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Taliyihii hore ee Ciidammada Illaalada Madaxtooyada Somaliland Gaashaanle Faysal Kaamil Ciise.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo dhambaal Tacsi ah u diray Ehelka iyo Shacabka Somaliland ee uu Marxuumku ka baxay.

 

Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynaha Somaliland, ayaa u qornayd sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidamada qalabka sida, Saraakiisha kala duwan ee ciidamada dalka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Gashaanle sare Faysal Kaamil Ciise oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu ahayd 21/10/2016, Hargeysa (Shalay).

 

Madaxweynuhu Waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Sarkaal hawlkar ah oo muddo ka soo ag-shaqeeyey, intii uu ahaa taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada JSL, qarankana ku lahaa taariikh lama illaawan ah,  kana tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland isagoo ka mid ahaa saraakiishii bud-dhiga u ahaa aas-aaska ciidamada qaranka ee heeganka u ahaa wakhtiyadii adka ee qaranku ka soo gudbay.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, , Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidamada qalabka sida, Saraakiisha kala duwan ee ciidamada dalka, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here