Taliye Dabagale: Dufcadan 32-aad Waa Dufcad Si Siman Looga Soo Qaatay Gobolada Somaliland

0
1799

Hargeisa (Hargeisa Press)- Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), oo hadal ka jeediyay munaasibad tababar loogu soo xidhayay ciidamo ka qalin jebiyay dugsiga ciidanka ee Mandheera, ayaa xusay in dufcaddani hormood u tahay dib-u-habayn ballaadhan oo la doonayo in ciidamada lagu sameeyo, islamarkaana lagaga dhigayo dhallinyaro dhinac walba ka dhisan oo mustaqbalka la wareegta hoggaanka ciidanka.

“Dufcaddan 32-aad waa dufcad si siman looga soo qaatay gobollada Somaliland oo dhan, waana dhallinyaro aan belwed lahayn oo loogu talo galay inaanay 25-jir ka weynaan oo akhlaaqiyan u dhisan, kana mid ah dib u habaynta la doonayo in Booliska lagu sameeyo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here