Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Booqday Kuliyado Ay Wax Ka Bartaan Saraakiil

0
1396

Addis Ababa (HP): Taliyaha ciidamadda qaranka Somaliland oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa booqday kuliyadaha ay ku jiraan saraakiisha waxbarashadda u jooga dalkaasi ee reer Somaliland.

Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Sarreeyo Gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay Abaanduulaha labaad ee ciidanka qaranka Sarreeyo Guuto Saleebaan Bare Xasan Geesood.

Waxaanay socdaal  ku tageen dalka Itoobiya ku soo Kormeeray Kuliyadda Ciidamada ee ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland.

Taliyaha iyo ku-xigeenkiisu salaan sharaf ka qaateen  Cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

Geesta kale taliyaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa kula dar-daarmay saraakiisha kuliyadaha kala duwan ee Itoobiya ku jira ee Somaliland ka socda in ay ka midho dhaliyaan waxbarashadoodda.

Si aqoonta ay soo bartaan ay dalkoodda uga faa’iideeyaan, isla markaana ay ilaaliyaan akhlaaqda iyo nidaamka ciidanimo iyo midka waxbarasho.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here