Taliyaha Ciidanka Booliska oo Sheegay In La Beddelayo Hab-dhaqanka Ciidanka

0
970

Hargeisa (Hargeisa Press) – Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Jeneral Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa sheegay in la badalayo hab dhaqanka ciidamada ee bulshada.

Sidoo kale, waxaa uu balan qaaday in qofka danbiile ah loola dhaqmo si fiican, oo cadaaladdii ku dheehan tahay.

Taliyaha ciidanka Booliska isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Waxaa la doonaya inaynu badalnò akhlaaqda booliska ee soo taag taagan, ee aad moodo in kalsooni daro ka muuqato , ee hadaynu nahay ciidamada nabadgelyada waddooyinka  gaadhiga kawarka ka garaacayno ee aynu dilayno, hadaynu saldhig joognana qofka indhaha ka galayno, boolisku waa adeege shacab.

Dambiilahana waxaynu ku adkeynaynaa sharciga ee waa inaynu inta hore si akhlaaq leh ula dhaqano oo cadaalad u sameyno”.ayuu intaasi sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here