Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Deeq Bal Ah Ku Wareejiyey Maamulka Iyo Gudida Abaaraha Gabiley

0
908

Gabiley, (HargeisaPress) —Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Taani ayaa maanta deeq 25 gaadhi oo bal ah ku wareejiyay maamulka iyo gudida abaaraha gobolka Gabiley,taas oo ay ugu talo galeen in ciidamada qaranku kaga qayb qaataan gurmadka dadka ay abaaruhu ku sameeyeen deegaanada gobolada bariga Somaliland.

 

Balkan oo ka soo go’ay Mashruuca Millateriga Somaliland ee Banka Wajaale, waxaanu Sheegay inay 25 Gaadhi oo Bal ah ay ugu gurmanayaan Duunyada gaajada ugu dhimanaysa gobollada Bariga Somaliland. Waxaana halkaas lagula kala wareegay Caleenta Balka ee Mashruuca Ciidammada ee Banka Wajaale ka soo go’ay Xubnaha Guddiga, Maamulka gobolka iyo Taliye Taani.

 

Waxaannu qaabkii loola kala wareegay Balkaas iyo Hadallada ay Masuuliyiintu halkaas ka jeediyeen-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here