Taliyaha Ciidamada Dab-demiska oo Gaadhay Gobolada Awdal iyo Gebiley

0
749

Boorama (Hargeisa Press)- Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa kormeer ku tagey xarumaha Ciidamada Dabdemiska Boorama, Gabiley iyo Wajaale.

Ujeedada kulankan, ayaa ahayd dirays Qaybin, kulanka maamulka Gobolada iyo degmooyinka iyo u kuur galida xaalada ay ku suganyihiin ciidamada Dabdemiska goboladaasi.

Ugu horayna waxaa Taliyuhu la kulmay badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro iyo Maayarka Boorama Maxamed Axmed Warsame Baradhe iyagoo kulankaasi ka dib ciidamada Dabdemiska Boorama u Qaybiyyay dirays ka dabka  ee Ciidanka oo casri ah.

Dhanka kale, weftiga ayaa soo maray Gobolka Gabiley iyagoo ciidamada jooga gobolka Gabiley gaar ahaan magaalada gabilay ku gudoonsiiyay dirayska dabka ee ciidanka dabdamiska.

Gabagbadii weftiga, ayaa kulan la Qaatay Maayarka magaalada Wajaale Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf iyaga oo ka wada hadlay xaalada ciidanka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo horumarka ciidanka. Ugu dambayna waxay halkaasi ugu Qaybiyeen dirayska ciidanka loogu talagalay ciidanka dab damiska magaalada Wajaale.

Xoghayaha guud ee ciidanka Ibraahim Suldaan Xasan, Hogaanka Maamulka iyo maaliyada Amran Axmed Baashe iyo Hogaanka Hawlaha ciidanka Cabdicasiis Axmed Cilmi ayaa iyaguna hawlgalkaa Jananka ku wehelinayay.

May be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, dais and text

May be an image of 5 people and dais
May be an image of 3 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here