Wasaaradda Hawlaha Guud oo Soo Bandhigtay Diyaarinta Siyaasadda Qaran Ee Magaaleynta

0
1128

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa xarunta wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland ka qabsoomay shir Lagaga Doodayey Diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Magaaleynta.

Shirkaas oo uu guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bile, waxa kasoo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, Dhamaan Agaasime Waaxeedada iyo Lataliyaasha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland.

Intii uu shirkaasi socday, ayaa waxaa lagu soo bandhigay Diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Magaaleynta Jamhuuriyadda Somaliland oo ay Curisay qabyo qoraalkeeda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Tirakoobka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta oo waaxdiisu diyaarisay siyaasaddan oo isna goobta ka hadlay,isla markaana ka warbixiyey diyaarinta siyaasaddan, ayaa sheegay in siyaasadan ay waaxdiisu mudo soo waday diyaarinteeda, waxaanu xusay in loo baahan yahay in la qabto shir wadatashi oo ay ka qayb galaan Daneeyeyaasha ay Siyaasadani khusayso si halkaas loogu ansixiyo inta aan la horgayn Gollaha Wasiirradu.

Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile oo isna goobta ka hadlay, ayaa Sheegay in Qabyo-Qoraalka Siyaasadani marka uu soo dhamaado la horgayn Doono Golaha Wasiiradda Somaliland si ay waxka bedel iyo kaabis ugu sameeyaan kadibna loo dhaqan geliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here