Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Xadhiga Agaasimihii Telefeeshinka Star-Tv Maxamed Baashe Xaaji

0
1617
Af hayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis

Hargeysa,(HargeisaPress) —Taliska ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta ka hadlay xadhiga laba suxufi oo ku xidhan magaalada Hargeysa kuwaas oo kala ah agaasimihii Telefeeshinka Star-Tv iyo waliba Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku xidhan magaalada Hargeysa kuwaas oo ciidamada booliska Somaliland siyaabo kala duwan usoo qabteen.

Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland sidoo kalena ah taliyaha ciidamada nabadgaliyada Wadooyinka Gaashanle Sare Faysal Xiis oo isagu ka hadlayey kiiska lagu haysto labadan Suxufi ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey sababaha loosoo xidhay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis isaga oo ugu horeyn ka hadlaya xadhiga Agaasimihii Telefeeshinka Star oo xalay ciidamada Boolisku qabteen ayaa waxa uu yidhi sida tan

“Waxaan doonaynaa inaan maanta ka warbixino niman xidh-xidhan danbigooda,ciidanka Boolisku waxay xidheen eedaysane Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ah Agaasimaha Star-Tv kaas oo lagu eedaynayo inuu ku kacay falal ah Kicin dadwayne iyo khal-khal galin nabadgaliyo darro isla markaana ka baxay mihnadii Saxaafadda (Journalism Ethics) kadib markii uu ka hor yimi mashruuca madaarka Berbera oo ay labada gole qaran ee Wakiilada iyo Guurtiduba cod aqlabiyadd ah ku ansixiyeen,eedaysanahaas oo qaban-qaabinayey shir lagu qaybinayey Waraaqo lagu kicinayey dadwaynaha waa la qabtay waanuu xidhan yahay,may ahayn in ninkaasi galo waxaan shaqadiisa ahayn,Saxaafaddu sharci ayey leedahay inuu sharcigaas ka talaabsado maaha danbi ciqaabeed ayuu galay ninkaasi,kiiskiisana waa la baadhayaa si deg deg ahna waa loogu gudbinayaa maxkamadda iyo Xeer Ilaalinta awoodda u leh”sidaas ayuu yidhi Gaashaanle sare Faysal Xiis.

Dhanka kalena Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis waxa uu faah-faahin ka bixiyey kiiska loo haysto wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo muddo dhawr maalmood ah ku xidhan magaalada Hargeysa waxaana uu yidhi

“Sidoo kale waxay ciidanka Boolisku 15.2.2017-kii waxay gacanta kusoo dhigeen eedaysane Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon  kaas oo lagu eedaynayo inuu ka horyimi jiritaanka iyo qaranimada Jamhuuriyada Somaliland isla markaana uu faafinayey warar been abuur ah oo aan sal iyo Raad toona lahayn,Eedaysanahaasi waxa uu ku xad gudbay qodobka 238 xeerka ciqaabta guud,annagu ma odhan karno Boolis ahaan ninkaasi waxa uu ahaa nin Suxufi ah ninkaasi waa nin qaran dumis ah oo ka hor yimi qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland,waxaana falalkaa uu sameeyey marag muujin cadd u ah oo laga daawan karaa baraha bulshadu isku aragto,marka loo baahdana waxaan hor gayn doonaa maxkamadda awooda u leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here