Taleex: Isu-duwaha Caafimaadka Sool Oo Daawooyin Gaadhsiiyay

0
511

Taleex (Hargeisa Press.com): Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ee gobolka Sool Maxamuud Xaaji Khaliif, ayaa ayaa maanta gaadhsiiyay deegaamo ka tirsan gobolka Xaysimo daawooyin iyo qalab kala duwan oo caafimaad gaadhsiiyay.

Isuduwaha oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka ayaa socdaal ku soo maray deegaamo ka tirsan gobolka Xaysimo.

Deegaamadda uu isu-duwaha caafimaadka Sool daawooyinka iyo qalabka caafimaad gaadhsiiyay waxaa ka mid ah, Taleex, Carrooley iyo Go’daallo.

Agabkan caafimaad  oo isugu jiray kuwa lagaga hor tago xanuunka Corona virus iyo noocyo kale, waxaa isu-duwaha ka gudoomay badhasaabka gobolka Xaysimo C/rashiid

Sidoo kale waxaa madashaasi joogay bahda caafimaadka gobolka Xaysimo, odayaal, waxgarad iyo dadweyne kale.

Kuwaasoo dhamaantoodba ka mahad celiyay qalabkan caafimaad ee la soo gadhsiiyay, iyagoona tilmaamay in ay baahi weyn u qabeen daawooyinkaasi gaar ahaana mida ka hor taga caabuqa Covid-19.

Daawo: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here