Taleex: Go’aamo Laga Soo Saaray Shir Lagu Heshiisiinayay 2 Beelood

0
1016

Taleex (Hargeisa Press.com): Shir nabadeed oo lagu heshiisiinayay laba beelood oo mudooyinkan ka  socday magaalada Taleex ee xarunta gobolka Xaysimo, ayaa maanta  la soo gabagabeeyay.

Waxaana gunaanadka shirkaasi laga soo saaray qodobo lagu heshiisiinayo beelahaasi, kadib wadahadallo todobaadyadii la soo dhaafay Taleex ka socday.

Labadan beelood ee la heshiisiiyay oo colaadu u dhaxaysay muddo dheer ayaa waxa shirka lagu dhexdhexaadinayay ka qayb qaadanayay ergooyin  isugu jiray madax-dhaqameed, odayaal, waxgarad, iyo xidheyaasha labada beelood ee ay colaaddu ka dhaxayso.

Qodobada lagu unkayo nabadda labadan beelood ayaa markii lagu dhawaaqay  go’aamadda waxay labadda dhinac  si rasmi ah u aqbaleen xidheyaasha labada beelood.

Sidoo kale na waxaa gacmaha la isu saaray odayaasha iyo dhalinyarada labada beelood ee colaadu hore u soo dhexmartay.

Caaqilka guud ee beelaha degmadda Taleex, Chief Caaqil Ismaaciil Maxamed Cali Koore, ayaa isugu ahaa shaqsiga qaybta ugu weyn ka qaatay dedaalkii la isku soo hor fadhiisinayay odayaasha iyo waxgaradka labadda beelood ee shaqaaqadu u dhaxaysay.

Isagoo  magaaladda Taleex ku casuumay isugu na yeedhay madaxdhaqameed tiro badan,  kuwaasoo ka qayb qaadanayay   nabbadaynta beelahan walaalaha ah.

Caaqil Cabdirashiid Xirsi Cali,  oo ka mid ah xidheyaasha labada beelood ee ay colaaddu u dhaxaysay oo shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa si cad u ballan qadaay in ay aqbaleen go’aamada ka soo baxay shirkaasi ee lagu soo af-jaray colaadda muddada dheer soo jiitamaysay.

Waxaanu  yidhi “Waxaan hortiina ka ballan qaadayaa, waxaan ILLAAHAY markhaati gashanayaa in aan aqbalay oo aan daacad ka ahay nabaddaa aanu u dhaaranay ee aanu Kitaabka gacanta ku saarnay.

Waxaa loo baahan yahay in aynu dhammaanteen meel uga soo wada jeedsano nabad gelyada, oo aynaan khasaarayn ergayada iyo isimada inoo yimid.”

Dhinaca kale, madax-dhaqameedka iyo dadweynaha ku nool magaaladda Taleex ayaa si weyn u soo dhaweeyay nabadda ka islaaxday degmada.

Waxaanay maanta magaaladda Taleex ka sameeyeen banaan bax weyn oo ay ku muujinayeen siday u soo dhawaynayaan go’aamadda lagu soo af-jarayo  colaad beeleedka.

Kuwaasoo  socod balaadhan ay ku dhex mareen waddooyinka  magaaladda Taleex, iyadoo   uu horkacayo badhasaabka   gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir).

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here