Tababar loo Qabtay Shaqaalaha Hay’adaha Dawladda ee laga Taageero SDF oo la soo Gunnaanaday + SAWIRRO

0
834

Hargeysa, (HargeisaPress) —Tababar ku saabsan kor u qaadida maamulka iyo maareynta shaqaalaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda ee hawlaha mashaariicda ay fuliyaan laga taageero Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, ayaa la soo gabagabeeyey. Xaflad loo sameeyey xidhitaanka tababarkaasi oo lagu qabtay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, masuuliyiin ka socday wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, wakiillo ka socday waddamada qaadhaan-bixiyayaasha taageera Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo ardayda dhammaysatay aqoonta.

shaqaale-la-tababaray

Tababarkan oo socday muddo 10 bilood ah oo ay ka qaybqaadanayeen 75 xubnood oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda ee laga taageero Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo kala ah; Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Biyaha, Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, kuwaas oo lagu baray afar iyo toban mawduuc oo kala duwan oo ku saabsan habka maamulka iyo maareynta mashaariicda horumarinta, si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha ka hawlgala wasaaradaha iyo hay’adahaasi  iyo sidii loo xoojin lahaa  awoodda Mac-hadka tababarada Shaqaalaha Dawladda oo bixinayey tababarka.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Prof. Maxamed Maxalli Boqorre oo ugu horreyn ka hadlay xafladdaasi, ayaa faahfaahin ka bixiyey tababarkan iyo muhiimada uu u lahaa shaqaalaha dawladda oo inta ka qaybqaadatay uu kula dardaarmay inay ku dhaqmaan aqoonta ay barteen.

Agaasimaha Mac-hadka Tababarrada Shaqaalaha Dawladda Mr. Guuleed Cumar oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa ka warramay maraaxilkii uu soo maray tababarku iyo mawduucyada uu ku saabsanaa, isagoo xusay inuu ku dhammaaday sidii loogu talogay oo uu wax wayn ka tari doono aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha ka qaybgalay.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Cabdi Aw Daahir, ayaa soo dhaweeyey aqoontan shaqaalaha la siiyey oo uu xusay inay xukuumad ahaan ku faraxsanyihiin in la helo shaqaale tayo leh, isla markaana tababarkan oo wax wayn ka tari doona xirfadda shaqaalaha uu midhihiisu noqon doono dhaxal ka muuqda maamulka iyo mashaariicda horumarineed ee Waddanka. Waxa kaloo uu u mahadceliyey waddamada qaadhaan-bixiyayaasha ee taageerada la garab taagan bulshada reer Somaliland.

shaqaale

Mr. Angus Miller oo socday hay’adda mucaawanooyinka dibadda ee dalka Ingiriiska ee DIFID, kuna hadlayey dalalka taageera sanduuqa SDF, ayaa sheegay in tababarkani yahay kii kowaad ee noociisa ah ee la qabto, wax badana uu ku soo kordhin doono xirfadda shaqaalaha dawladda iyo Mac-hadka tababarka Shaqaalaha.

Dhinaca kale, xubno ka mid ah ka qaybgalayaashii tababarka, ayaa iyaguna xafladda ku soo bandhigay warbixinno la xidhiidha aqoonta la baray iyo mashaariicda ay fuliyaan ee laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.Gabagabadii waxa halkaasi shahaadooyinkii lagu gudoonsiiyey ka qaybgalay tababarkaasi.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here