Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Loo Mgacaabay

0
486

Hargaysa (HP): Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd, ayaa ka dareen celiyay wasiirnimo ee uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu wasiir Kayd, madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay xilka wasiirnimo ee uu u magacaabay, kaasoo uu tilmaamay inuu u arko mid masuuliyad culus ah oo dalka iyo dadkaba qiimo weyn u leh.

Dr. Ciise Kayd, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa waxa uu sheegay in uu xilkaasi u gudan doono sida ugu haboon, isla markaana uu aqoonteedii iyo kartidiiba u leeyahay.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ayaa intaas raaciyay inuu mar kasta ku dedaali doono inuu si hufnaan ah u guto waajibaadkiisa shaqo.

 

DAAWO: Wasiir Kayd Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here