Taariikhda Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya, Yaa Bilaabey Sideese Loo Bilaabey. Qalinka:C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

0
1254
Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Dariiqa  ugu  dhaw  ee  ay  Jamhuuriyada  Somaliland  ku  heli  karto  Aqoonsi  si  bilaa  turxaan  ah  waxa  ugu  horeysa  in  dawlada  federaalka  Soomaaliya  iyo  Somaliland  ay  yagu  dhexdooda  is  fahmaan  kana  wada  xaajoodaan  Is-af-garasho, Hadaba  wada  hadaladan  laftarkoodu  waxay  leeyihiin  taariikh  weyn  oo  mugeeda  iyo  miisaankeeda  leh, Mana  aha  wax  imika  bilaabmaya  balse  waa  talo  dibloomaasiyiin  Afrikaan iyo  kuwa  qaaradaha  kale  ee  aduunka  isugu  jira, Yada  oo  talada  wada  hadalka  labadan  dal  laga  bixiyey  madalo  ay  Somaliland  ku  gar-naqsaneysay  kuna  raad-goobaysay  Madax-banaanideeda  si  heer  caalamiya  ah,

Aaan  guda-galo  halka  manta ujeedkaygu  ahaa  oo  ku  saleysan  wada  hadalada  Soomaaliya  Iyo  Somaliland  yaa  bilaabey  sideese  lagu  bilaabey,  Ma  faa,iido  ayey  u  leeyihiin  Somaliland  dhinaca  majaraha  ictiraaf  raadinta,  Runtii  intaa  aan  xuseyba  waxa  koobsan  doonta  qormada  hadii  Eebe  idmana  aan  tafaasiil  cad  ka  bixin  doonaa,  Sanadii  1994kii  waxa  Madaxweynihii  Somaliland  ee  xiligaasi  Mudane: Maxamed  Xaaji  Ibraahim  Cigaal  uu  casuumad  ka  leh  Madaxweynihii  waqtigaa  ee  dalka  Kenya  Mudane: Daniel  Arap  Mio, Kaasi  oo  Cigaal  u soo  direy  dayuurad  u  khaas  ah  oo  u  gaysa  Madaxweyne  Mio,  Safarkan  waxa  ku  wehelinayey  Madaxweyne  Cigaal  xubno  golihiisa  wasiirada  ahaa  sida,  Deeqa  Col-u-joog  Wasiiradii  Madaxtooyada, Cabdilaahi  Maxamed  Ducaale  Wasiirkii  Warfaafinta  Iyo  Yuusuf  Quraab  oo  ahaa  wasiirkii  hawlaha  guud  ee  Somaliland.

kan  Madaxweyne  Cigaal  iyo  dhigiisa  Kenya  Mr.Mio  ay  ku  kulmeen  waxa  diyaariyey  dibloomaasiyiin  u  dhashey  dalkan  Somaliland  kuwaasoo  Madaxweynahana  ku  taliyey  in  mudaakirada  Qadiyada  Somaliland ka  dhaadhicinteeda  aduunka  laga  bilaabo  wadamada  Dariska  ee  Bariga Afrika, Waxay  balaysin  u  noqotey  talaabadaasina  gar-naqsiga  Somaliland  ay  la  hor-tagtey  Beesha-caalamka  iyo  meel  kasta  oo  ay  wax  kaga xidhan  yihiin  waa  arinta  Ictiraaf-raadinta,e, Waxa  xusid  mudan  in  labada  Madaxweyne  si  wanaagsan  oo  qaab  dibloomaasiyadeed  ah  ay  isu-waajaheen  yagoo  waliba  kulanka  dhexdiisa  marerka  qaar  isu  kaliyeystay, Madaxweyne  Cigaal  ayaa  ka  codsadey  saaxiibkii  ahna  dhigiisa  mudane: Mio inuu  ugu  hor  ictiraafo  Somaliland, Balse  mio  ayaa  shuruud  uga  dhigay  in  hadii  Dhigiisa  Uganda  mudane: Yoweri Moseveni  hadii  uu  yeelo  in  isna  yeelo  doono  maxaa  yeelay  Kenya  iyo  Soomaaliya  waxa  ka  dhexeeyey   xurguf  yar  oo  aan  badnayn.

Isla  kulankii  ayuu  qoondeeyey  Mudane: mio  inuu  la  xidhiidhiyo  Madaxweyne  Cigaal  si  uu  isna  war-bixin  u  siiyo, Nasiib-wanaag  Madaxweynaha  dalka  Uganda  mr. Yoweri  Museveni  waa  uu  aqbaley  kulankii  Cigaal  isna  sidii  Mr. Mio  oo  kale  ayuu  Cigaal  iyo  wafdigii  uu  hogaaminayey  u  soo  direy  dayuurad  khaas  ah  taasi  oo  qaadey  Madaxweyne  Cigaal kana  dajisey  gudaha  dalka  Uganda, Halkaasina  ay  isu  wareysteen  Madaxweyneyaashii  Somaliland  iyo  Uganda  waa  Cigaal  iyo  dhigiisii  Yoweri  Moseveni,  Cigaal  ayaa  museveni  u  sheegay  inay  u  dulman  yihiin  umad  aaney  waxba  ka  dhaxeyn  oo  ay  bari  hore  kala  anba-baxeen,  Oo  yagii  is  maamuli  kari  waayey , Kuna  guul-dareystay  iney  xasiliyaan  dhibaatooyinkii  soo  riiqey,  Ka  dib  markuu  dhageystay  war-bixintii  Cigaal  Madaxweynihii  dalka  Uganda  waxa  uu  ugu  jawaabey  waad  dulman  tihiin   mana  aha  in  meeshaa  la idinla  sugo  waayo  idinku waad  isu  tashateen.

Yoweri  Moseveni  Madaxweynaha  dalka  Uganda  isaga  oo  hadalkiisa  sii  wata  waxa  uu  yidhi  laakiin  Cigaalow  waa  lagama  maarmaan  inaad  wada  hadashaan  idinku  Soomaaliya   iyo  Somaliland  ahaan,  Balse  waxa  waqti  idinku  qaadaneysa  inta  aad  sugaysaan  mudada  ay  ka  baxayaan  waxan  la  yidhaa  ku-meel-gaadhka  oo  ah  dawlad  aan   lahayn  awood  wada  xaajood  ama  xasaanad  qaran,  Taasi  oo  u  saamaxeysa  waxyaabo  badan  sida , Saxeexid  heshiis, Wada  xaajood  qaramo  kale, Ka  qayb-galid  golaha  sare  ee  jimciyada  quruumaha  ka  dhaxeysa,  Sidaa  darted  waxa  uu  Yoweri  Moseveni  ku taliyey  in  wada  hadalkani  muhiim  yahay  laakiin  loo  baahan  yahay  in  Soomaaliya   ay  ka  baxdo  xiligan  ku-meel-gaadhnimada,  Waayo  xiligan  ka  bixida  ku-meel-gaadhku  waxay  u  saamaxeysaa  Soomaaliya  dawladnimo  dhameystiran.

Sanadkaa  1994kii  Madaxweynayaasha  dalelka  Kenya  iyo  Uganda labadooduba  waxay  ku  taliyeen  in  horta  wada  hadal  lala  yeesho  Soomaaliya  ,  Laakiin  waa  xiliga  ay   noqoto  dawlad  dhameystiran  oo  laysu  haleyn karo  sida  ay  haatan  tahay  bilaa  ku-meel-gaadhnimo,  Dhanka  kale  waxa  jirta  yadna  Sanadkii  2006kii  waxa  magaalo-madaxda  jamhuuriyada  Somaliland  ee  hargeisa  soo  booqatey  U  qaabilsanihii  hore  ee  Xasiifka  Afrika  Wasaarada  Arimaha  Dibbada  Mareykanka  Marwo: Jendayi Frazer  yadoo  indha-indhaysay  xaalada  dalka  iyo  dadkuba  ay  taagan  ka  dib  waxay  u  Sii  dhaaftey  Wadanka  Ethiopia  halkaasi  oo  ay  kula  kulantay  hogaamiyihii  hore  ee  Males Zanawi,  yagoo  ka  wada  Hadley  Amuuraha  Somaliland, Yadoo  kula  talisey  in  African  Unionka  arintaa  laga  socodsiiyo  oo  la  hor keeno  xarunta  Ururka  Midawga  Afrika.

Guntiyo  gaba-gabadii  waxaan  ku soo  af-meeri  Sanadii  2008kii  ayaa  ay  dib  ugu   soo  noqotey  marwadii  Mareykanka  xafiiska  afkira  uga  masuulka  aheyd  Marwo: Jendayi   Frizera, Waxaaney  mar  labaad  kula  talisey  in  amuurtaasi  u taalo  Midawga  afrika  waa  qadiyada  Somalilandne,  Males Zanawi  ayaa  midawga  afrika  ku  casuumey  Wasiirkii  Wasaarada  Arimaha  Dibbada  Somaliland  oo  ahaa  Mudane: C/laahi  Maxamed  Ducaale  oo  ka  jeediyey  qudbad  gudaha  xarunta  (AUda), Aakhirkiina  waxa  loogu  taliyey  iney  yagu  wada   hadlaan  Somaliland  ahaan  iyo  Soomaaliya  waxaanay  cuskadeen  idinka  ayey  wax     idinka  go,aan  sidaa  awgeed  waa  inaad  wada  xaajootaan,  Oo  aad  isa  soo  hor-fadhiisataan,  Taariikhdaa  weyn ayuu  leeyahay Wada  hadalkani  waana  martabad  ku culus qodabka  ictiraaf-raadinta  jamhuuriyada  Somaliland.

Qalinka: C/raxmaan  Sayid  Faarax  (Jeesto).

Diplomatic  Annalism.

Gabiley/Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here