Taagii Labaad Ee Lagu Soo Xidho Maraakiibta oo Soo Gaadhay Dekedda Berbera

0
1392

Berbera (Hargeisa Press) – Waxaa dekedda magaalada Berbera maanta soo gaadhay Taaggii Labaad ee ay yeelato iyo Doonyo casri ah.

Munaasibad loo qabtay Taagga cusub ee dekedda Berbera waxa kasoo qayb galay maamulka gobolka Saaxil iyo kan degmada Berbera, masuuliyiinta dekedda iyo xubno kamid ah ciidanka ilaalada xeebada Somaliland.

Maareeyahaka Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdillaahi ayaa sheegay in muddo 2 sano gudahood ah ay ku keeneen Taaggii labaad ee ay yeelato dekedda Berbera, maareeyaha ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay inuu u hagar baxay in Hanti badan la galiyo dekedda isla markaana si casri ah loo qalabeeyo.

Meeyarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin ayaa maamulka dekedda Berbera ku amanay qalabka casriga ah ee ay keeneen waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqada ay ka qabteen dekedda.

Axmed Maxamed Xaashi Guddoomiyaha gobolka Saaxil ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay Taagga casriga ah iyo qalabka kale ee la keenay dekedda Berbera waxanu bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha dekedda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here