Sooyaal-taariikheedkii Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan Guuleed. W/Q: – Miyir Cali Xuseen. Qaybtii 1aad

0
1062

Alle ha u naxariisto’e, Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan Guuleed, xilli ku beegan 1946kii ayuu ku dhashay dooxada Harawo ee deegaanka Aw-Barre, waxaanu la dhashay siddeed caruur ah oo uu ku ahaa qofka sagaalaad, kuwaasi oo dhammaantood ka wada weynaa, marka laga reebo hal gabadh isaga hoos uga yarayd.

Dr. Maxamed-Rashiid, ilaa ay da’diisu ka gaadhaysay siddeed jir waxa uu ku barbaaray oo uu ku noolaa deegaankii uu ku dhashay ee dooxada Harawo, kadib markii ay da’diisu gaadhay siddeed jirna waxa uu uga soo wareegay dhinaca magaalada Hargeysa. Dr. Maxamed-Rashiid, markii uu usoo wareegay magaalada Hargeysa ayaa waxa markiiba lagu daray malcaammadii Qur’aanka ee Macalin Xabashi, oo ahayd malcaammad xilligaasi caan ka ahayd magaalada Hargeysa oo uu haystay nin Sheekh ah oo la odhan macalin Yuusuf Xabashi, oo ka soo-jeeday qoomiyada Xabashida ee dalka Itoobiya, oo muddo dheer degannaa magalaada Hargeysa, isla markaasina tafiirtiisii wali sii degan tahay Hargeysa. Malcaammadaasi macalin Xabashi ayaa muddadii uu dhiganaayeen Digtoorku waxa uu si fiican ugu bartay Qur’aanka Kariimka ah iyo culuumta kale ee diiniga ah.

Dr. Maxamed-Rashiid, markii uu in muddo ah waxku-baraanaayey malcaammadii Macalin Xabashi ee ay da’diisiina yara weynaatay, ayaa waxa lagu daray dugsigii Sheekh Baraawe ee magaalada Hargeysa oo xilligaasi lagu baran-jiray luuqada Carabiga iyo culuumta diiniga ah. Dugsigaasi ayaa markii uu digtoorku waxku-baranaayey muddo kooban, waxa uu markii dambe ka mid noqday toban arday oo ku guulaystay in ay ku biiraan waxbarashadii maaddiga ahayd ee dugsiyadii ay maamulaysay Maxmiyaddii Ingiriiska ee wakhtigaasi dalka haysatay. Waxaanu waxbarashadii dugsiga hoose/dhexe uu ka bilaabay dugsigii hoose/dhexe ee magaalada Awaare.

Muddadii uu waxku-baranaayey dugsiga hoose/dhexe ee Awaare waxa gacanta ku hayey oo nolashiisu ku tiirsanayd adeerkii Cabdi Xasan Buuni oo xilligaasi ka tirsanaa maamulkii magaalada Awaare ee Maxmiyada Ingiriiska. Dr. Maxamed-Rashiid waxa uu ahaa arday aad ugu wanaagsan dhinaca waxbarashada, waxaanay taasi sababtay in uu bilaash ku dhigto waxbarashada muddadii uu ku jiray dugsiga dhexe ee Awaare.

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan Guuleed, markii uu dhammaystay waxbarashadii dugsiga hoose/dhexe ee uu ku qaatay dugsigii magaalada Awaare, kadib waxa uu u wareegay dhinaca magaalada Sheekh oo uu ka galay waxbarashadii dugsiga sarre, halkaasi oo sidii dugsigiisii hoose/dhexe ee Awaare uu kaalinta koobaad uga gali-jiray Imtixaanka, markii uu u soo gudbay dhinaca dugsiga sarre ee Sheekh-na dadaalkiisii ayuu halkii kasii waday, isaga oo sidii caada u ahayd sannad kasta kaalinta koobaad ku guulaysan jiray, taasi oo sababtay in sidii uu bilaashka ugu soo dhigtay waxbarashadiisii dugsiga hoose/dhexe in uu waxbarashadii dugsiga sarre-na lacag la’aan ku dhigto muddadii uu ku jiray.

Dr. Maxamed-Rashiid, markii uu muddo saddex sannadood ah ku jiray dugsigii sarre ee magaalada Sheekh, ayaa waxa uu ku guulaystay imtixaan laga qaaday ardaydii fasalada saddexaad iyo afraad ee dugsigaasi oo loogu tartamaayey shaqaale loo qaadanaayey Baankii Ganacsiga Soomaaliya. Imtixaankaasi oo uu ka mid boqday ardaydii ku guulaysatay, waxaanu sidaa kaga mid noqday shaqaalihii loo qaatay Baanka oo uu markiiba ka hawlgalay xaruntii uu ku lahaa magaalada Hargeysa oo markii uu muddo kooban ka shaqeeyey looga bedellay dhinacii xaruntii Baanku ku lahaa magaalada Burco.

Muddo afar sannadood ah ayuu Dr. Maxamed-Rashiid ka shaqaynaayey xaruntii Baanka ee magaalada Burco, waxaanu aad u dhexgallay oo ay si fiican iskula qabsadeen dhalinyaradii wakhtigaasi ku noolayd magaalada Burco. Waxaanu ka mid ahaa koox dhalinyaro ah oo halkaasi ka aasaastay urur dhallinyaro oo dhallinyarada lagaga wacyigalinaayo dhibaatada Qaadka, ururkaasi oo uu Digtoorku muddo laba sannadood ah uu ka ahaa Xoghayaha Guud ee ururka.

Dr. Maxamed-Rashiid, muddadii afarta sannadood ahayd ee uu ku noolaa magaalada Burco, isaga iyo dhallinyaro kale oo ay saaxiibo ahaayeen ayaa waxa ay halkaasi ka bilaabeen dhaqdhaqaaq dhallinyaro oo aqooneed, kaasi oo ay iskugu abaabuli-jireen kobcinta aqoontooda iyo hab-fikirkooda, iyaga oo xooga saari jiray in ay la jaanqaadaan horumarkii aqooneed iyo hab-fikir ee xilligaasi dunida ka jiray. Sidoo kale, Dr. Maxamed-Rashiid iyo dhallinyaradii ay xilligaasi ku wada noolaayeen magaalada Burco waxa maskaxdooda ka guuxaysay sidii xorinimaddii Somaliland dib loogaga soo celin lahaa dhinacii Soomaaliya ee ay la middowday.

Muddadii afarta sannadood ahayd ee uu Dr. Maxamed-Rashiid ku noolaa magaalada Burco, ayaa iyada oo ay ka niyad-jabsan yihiin nidaamka dawladnimo iyo hoggaamintii siyaasadeed ee madaxdii u kala dambaysay dawladdihii rayidka ahaa ee Kacaankii Siyaad Barre ka hor soo maray Soomaaliya, ayaa waxa xukunkii dalka inqilaab kula wareegay kooxdii askarta ahayd ee Siyaad Barre xukunka saartay. Kadib isbedelkaas siyaasadeed ee dalka ku yimi ayaa waxa aad u soo dhaweeyey guud ahaan shacabkii Soomaaliyeed. Kadib Dr. Maxamed-Rashiid iyo kooxdiisii abaabulka aqooneed ka waday magaalada Burco ayaa waxa ay daraasad iyo cilmibaadhis durugsan ugu kuurgaleen nidaamkan cusub ee uu Maxamed Siyaad Barre yidhi dalka ayaan ku hoggaaminayaa oo aan si dhakhso ah ugu horumarinayaa. Waxaanay daraasadan markiiba ku qiimeeyeen in Maxamed Siyaad Barre bulshada been u sheegaayo, oo uu yahay nidaam kalitalis ah oo xukun doon ah.

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan Guuleed, markii uu muddo afar sannadood ah ka shaqaynaayey xaruntii Baanka Ganacsiga Soomaaliya ee Burco, ayaa haddana waxa loo bedellay xaruntii Baanka ee magaalada Hargeysa oo iyadana markii uu in muddo ah joogay horraantii sannadkii 1977kii looga sii bedellay xaruntii Baanka ee magaalada Muqdisho.

Dr. Maxamed-Rashiid, markii uu wakhti yar oo kooban uu ka hawlgallaayey xaruntii Baanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku guulaystay deeq waxbarasho oo uu ku tagay magaalada Millaano ee dalka Talyaaniga oo uu kusoo bartay aqoontii Baanka ee uu ku shaqaynaayey, halkaasi oo uu ku soo qaatay shahaadada Diplomada.

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, sannadkii 1978kii markii uu dhammaystay waxbarashadii sarre ee uu u tagay magaalada Millaano ee dalka Talyaaniga, dib ugu muu soo laaban dhinacii Soomaaliya, balse waxa uu toos u tagay dalka Ingiriiska oo uu markiiba ka bilaabay hayaan kale oo waxbarasho, waxaanu ugu horreyn ku biiray jaamacada Greenwich University oo uu ka bilaabay barashada cilmiga bulshada.

Dr. Maxamed-Rashiid, sannadkii 1981kii markii uu sii dhammaynaayey waxbarashadii uu kaga jiray jaamacadii Greenwich University, ayaa waxa uu shaqo ka helay Mac’hadka Daraasaadka Afrika ee jaamacada London, waxaanu sidoo kale la shaqayn jiray oo uu barnaamijyo koob-kooban u samayn jiray idaacaddii BBC-da, oo aannu markaasi si rasmi ah shaqada uga bilaabin.

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, markii uu in muddo ah ka hawlgallaayey Mac’hadka Daraasaadka Afrika ee jaamacada London ayaa waxa uu haddana jaamacada London University ka bilaabay cilmiga loo yaqaano Social Anthropopgy oo uu shahaadada Masterta ah ka diyaariyey, gaar ahaan qaybta khusaysa waddamada soo koraaya. Jaamacadaasi London University ayaa waxa uu dhammeeyey sannadkii 1984kii, kadib waxa uu u socdaalay dhinaca dalka Maraykanka, waxaanu tegay magaalada Los Angles.

aan soo raaco diyaarad kale oo aan ahayn tii aan saarnaa. Waxaana la igu yidhi “Warkaas (Xasuuqa) waa la raadinayaa ee diyaaradda ugu soo horraysa ka soo raac Frankfort, waxaana madaarka London ee Heathrow kugu sugaaya gaadhi BBC-du leedahay, sidaad u soo socotana waxaad imanaysaa xarunta BBC-da ee Bush House.

Reer galbeedka oo Maraykanku ugu horreeyay waxa ay la socdeen Siyaad Barre, waayo waa kuwii yidhi Ruushka ka saar Soomaaliya ee uu isna ka saaray, haddana ururada xuquuqal insaanka iyo diblomaasiyiinta dunidu waxay ogaayeen in uu Siyaad gacmaha dhiig kula jiro, waxase la raadinaayay wax xaqiiqo ah. Markaas waxa la doonayay wax xaqiiqadaas ka warrama. Sidaas darteed ayay BBC-du garatay in warka aan sidaa uu yahay warka dunida ugu mihiimsan ee uu caalamku markaas u baahnaa…”

Dr. Maxamed-Rashiid, oo hadalka sii wata, oo ka warramaaya markii uu gaadhay magaalada London sidii uu dunida u gaadhsiiyey warkii xasuuqa ee uu siday, ayaa waxa uu yidhi isaga oo faahfaahinaaya sidan:- “…Kadib waxa aan raacay diyaaradda Lefthanca, isla markii aan madaarka London ka dhaadhacay waxa iigu diyaar ahaa gaadhigii BBC-da, waxaanan madaarka ka soo baxay iyada oo gabadhii BBC-da qaybta Soomaaliga haysatay igu sugayso kadinka madaarka, waxaanay igu tidhi; “Waxa warkaaga sugaysa idaacada oo dhan, sida Ingiriisida, Carabiga iyo Sawaxaliga iyo Soomaaliga, waayo waa war la wada raadinayo.”

Waxaan ku idhi warkii madaxa ayaan ku sidaa, waxaanay igu tidhi “Haye; gal barnaamijka BBC-da ka baxa ee 24 hours.” Waanan ka warramay warkii, dadka Soomaalida ahina waxay ogaadeen markii uu warkii ka baxay laanta Afka Soomaaliga.

Markii aan daarta Bush House imid, iyada oo ay igu sugayaan dhammaan waaxyaha kala duwan ee idaacada BBC-du, sida Soomaaligii, Sawaaxiligii, Carabigii, Englishkii iyo dhaamaan, ayaan imid. Markaa waxa ku jira barnaamijka la yidhaa 24Hrs. Waxa laygu yidhi warkani waa war muhiim ah gal ee Studio-ha, halkiiba laygu warraystay. Markaa warkii hore waxa uu ku baxay Af-Ingiriisi, warkii danbena markay gaadhay shantii galabnimo (5:00PM) ayaan ka warramay wixii dhacay, markaa dadkii Muqdisho ama Xamar joogay waxa ay moodaayeen wali in aan Muqdisho joogo oo warar sidaa u eeg ayaan ka diri jiray, lakiin sidaas ayaan ku soo baxay. Sidaas ayaanan ku faafiyey warkii sheegaayey in Xeebta Jasiira xasuuq lagu sameeyey. Markii wararkaasi ka bexeen Afafka kala duwan ee idaacada BBC-da ayey ka warheleen ciidammadii ammaanku in aan dalka ka baxay…”

Dr. Maxamed-Rashiid, oo hadalka sii wata, oo ka warramaaya saamayntii uu keenay warkaasi markii uu dunida gaadhsiiyey, ayaa waxa uu yidhi isaga oo sharaxaaya sidan: – “…Arrintaasi waxay ahayd arrin taariikhi ah, waxaanu warkaasi keenay in uu Siyaad Barre ka baaqdo shir Midowga Afrika ku lahaa Addis Ababa, waxaana markaas la ogaaday oo ay xitaa madaxdii reer Somaliland ee dawladda Siyaad Barre ku jirtay dareentay in aqalkii ku dumaayo oo way ka soo baxeen. Dhacdadaas uu 47-ka qof Siyaad Barre ku dilay ee uu qarin kari waayay, waxaan odhan karaa waxay ahayd waxyaabihii ugu waaweynaa ee dedejiyay in uu meesha ka baxo. Anigu ismaan lahayn waad ka bixi karaysaa oo diyaaradda waad raaci karaysaa, laakiin dad reer Somaliland ah oo ay ku jireen rag aannu saaxiibo nahay oo uu ka mid ahaa Marxuum Ibrahim ayaa mahadda ugu weyn iska lahaa. Sidii Muqdisho la iiga soo saari lahaa waxa uu la kaashaday dad kale oo reer Somaliland ah, waxaana lagu guntaday sidii magaalada la iiga saari lahaa.

Siyaad Barre wakhtigaas ay talladii ka baaba’aday wuxuu arkay in SNM-tu maanta laga yaabo in ay guulaysato oo Somaliland gooni u go’odo. Markaa si kasta oo uu cidhiidhi ugu hayay Somaliland waxa ay tani ahayd ha quustaan, tani oo marka aad dadka layso SNM halkaas haku quustaan oo halgankoodu halkaas ha ku dhammaado. Markaa Alxamdulilaah ma dhammaan, isaguna waxa uu ku danbeyay waatad ogaydeen, aniguna waxa aan is leeyahay waxyaabihii riday Rajiimka Maxamed Siyaad Barre in ay ka mid ahayeen talladaa uu qaatay ee dadkaa uu laayay, ee Aduunka oo dhammi ka argagaxay. Maalintaasa dadkii is lahaa woxoogay ha sii joogo oo Maraykanku ka mid ahaa oo England ka mid ahayd oo Yurubta kale ka mid tahay ayaa la yidhi maya, waa gacan ku dhiigle, waa digtaytar, waa in culays la saara…”.

Raadraac: Ilaha xigashada

Warbixin lagu daabacay wargeyska Jamhuuriya.

Warbixin lagu daabacay wargeyska Geeska Afrika.

Waraysi uu la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, Jully 2014

Waraysi uu la yeeshay Somaliland Space Tv, 2009kii

Waraysi uu la yeeshay HCTV.

Buugga XOG- WARAN; Cabdilaahi Beershiya. Asaljet, Jully 2018.

La soco qaybta 2aad

Qalinkii: Miyir Cali Xuseen

Email: miyircali@gmail.com

Facebook.com/MiyirCaliXuseen

Whatsapp: 0634046313

Hargeysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here