Xaalad Deg Dega Oo Lagaga Dhawaaqay Dalka Jasiiradda Seychelles

0
270

Seychelles (HP): Dalka jasiiradda Seychelles, ayaa maanta lagaga dhawaaqay xaalad deg deg, ka dib markii uu Qarax ka dhacay goob lagu kaydiyo Walxaha qarxa.

Sidoo kale na ay roobab mahiigaano ah waxyeelo gaadhsiiyeen aagga warshadaha iyo nawaaxigeeda.

Qaraxan ayaa ruxay jasiiradda Mahe, waxaana dhanka kale roobabka xooggan ee ka da’ay aagaasi oo sababay daadad badan ku dhintay saddex qof.

Xafiiska madaxweynaha Seychelles, ayaa war uu soo saaray ku sheegay in la xidhayo dhammaanba dugsiyadda waxbarashadda.

Iyagoo shacabka ugu baaqay in ay guryahooda joogaan marka laga reebo shaqaalaha muhiimka ah iyo dadka safraya.

Geesta kale dalka Seychelles, oo ah meel loo dalxiis tago, ayaa ka kooban 115 jasiiradood, waana dalka ugu dadka yar Afrika, taas oo ay ku nool yihiin 100,000 oo qof.

Daadadka iyo fatahaadaha laga soo werinayo dalka Seychelles, ayaa ah kuwii ugu danbeeyay xaalado cimilo xumo oo is-xig-xiga oo sanadkan laga diiwaan-geliyay qaybo ka mid ah qaaradda Afrika.

Kadib markii ay ku dhufteen Daadad, Dhul-go’yo, abaaro ka dhacay Kenya, Mauritius, Madagascar, Somalia iyo Tanzania.

Cabdicasiis Caydiid Yamani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here