Wasiirka Warfaafinta JSL Oo Dhagax Dhigay Dhismeyaal Cusub

0
406

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa maanta dhagax-dhigay dhismayaal cusub oo lagu soo kordhin doono xarunta wasaaradda ee magaaladda Hargaysa.



Dhagax dhiga dhismeyaashan cusub waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi Mustafe Cabdi Ciise (shiine), iyo masuuliyiin kale.

Mashruucan dhisme ayaa ka kooban Dayrka ku wareegsan wasaaradda, kaasoo dhawr iyo konton mitir oo cusub lagu soo kordhinayo.

Sidoo kale dhismeyaashan uu wasiirka warfaafintu dhagax dhigay waxaa ku jira Makhaayad cunto oo loogu tallo galay in ay wax ka cunaan madaxda, iyo dhaqaalaha wasaaradu.


Wasiirka Warfaafinta JSL Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), oo ka warbixiyay u jeedadda laga leeyahay dhismeyaashan uu dhagax dhigay ayaa sheegay in Dayrku uu qayb ka yahay amaanka wasaaradda.

Maadaama oo ay wasaradu ku taallo meel suuq ah, isla markaana ay hanti badan oo kayd ahi taalo, iyo sidoo kale dhinaca bilicda ba.

Wasiir Cali-mareexaan, oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaynu halkan ka dhagax dhigaynaa mashruuc dhisme ah, oo ah Dayrka ku wareegsan idaacadda, kaasoo dhawr iyo konton mitir noqonaya.

U jeedaduna waxay tahay maadaama oo ay wasaradu ku taallo meel suuq ah, hanti badan oo kayd ahina uu yaallo, markaa dhunaca amaanka, iyo dhinaca bilicda ba weeye”.

“Ta labaad na waxay tahay waxaa halkan laga dhisi doonaa Makhaayad ay madaxda, iyo shaqaalaha wasaaradu wax ka cunaan” ayuu yidhi wasiirka warfaafintu.


Geesta kale waxaa dhagax dhiga mashaariicdan dhisme wasiirka, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ku wehelinayay masuuliyiinta shirkadda ku guulaysatay hirgelinta dhismahaasi.

Waxaanay balan qaadeen xubnahan ka socday shirkadda dhisaysa in ay si dhakhso ah u bilaabayaan dhismeyaashani.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here