Soo Dhaweynta Guddoomiye Xisbiga Waddani Oo Si Weyn Looga Dareemayo Caasimada Hargeysa.

0
787

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxaa caawa illaa maanta guud ahaanba magaalada Hargeysa si xoog ah looga dareemayaa u diyaar garowga lagu soo dhawaynaayo guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo muddooyinkii danbe safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga.

Waxaana si weyn guud ahaanba suuqa iyo dhamaanba goobaha isgoysyada ah ee magaalada Hargeysa loogu arkaayey dad badan oo sita calamada iyo astaamaha gaarka ee xisbiga Waddani kuwaasi oo ay ugu talo galeen sidii ay ugu soo dhawayn lahaayeen guddoomiye Ciro.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, oo la filaayo in uu maalinta bari ah uu ka soo dego madaarka Hargeysa, ayaa waxaa sida oo kale taageerayaasha xisbiga Waddani baabuur calanka Waddani ku xardhan yahay ay la dhex marayaan suuqyada waaweyn iyo xaafadaha Hargeysa, waxaana ay diyaar garow xoog ah ugu jiraan sidii ay si balaadhan bari ugu soo dhaweyn lahaayeen madaarka Hargeysa.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here