SONYO Doorka Ay Ku Leedahay Meertada Nolosha Da,Yarta Somaliland Waa Mid Noocee Ah? Qalinka: Axmed Cisman Batuun

0
819
Axmed Cisman Batuun

HargeisaPress —Maalmihii u dabeeyay waxaa warbaahinta ku jiray doodo iyo hadallo ku saabsan ururada isu tagay ee ku midoobay dallad loogu yeedho SONYO,oo la sheego inay matasho dhalinyarta somaliland,iyadoo muuqatay inay jireen hadalo lagu durayo iyo qaar lagu difaacayo dalladan kuwaasoo warbaahinta mushaaxayay hase ahaatee waxaa layaab kale noqotay markii hogaanka xafiiskani warbaahinta la hadleen isla markaana sheegeen inuu warkoodu jawaab u yahay nin ay sheegeen inuu joogo gobol ka mida dalka kaasoo ay sheegeen inuu iyaga weeraray isla markaana ku sameeyay kacdoon.

 

amuurtani waxay layaab hor leh ku ridday da,yar badan oo saluug kaga jiray habka iyo hanaanka ay dallada sonyo ugu adeegto danaha dhalinyarta waddanka, kuwaasoo filayay in ay maqlaan hadalo ku saabsan inay daladdani wax ka tidhaa sida tahriibta oo xaaladi ka taagnayd,qaabka xafiiskani u shaqeeyo,sida uu uga talo qaato cidda uu matalo magacooda iyo waxyaabo la ollog ah,filashadii caynkaa ahayd  ma iman,waxaana in badan u muuqatay in aanay jirin rajo badan oo laga usho xafiiskan oo haya xilka fac badan oo dalkan ku dhaqan sababaha loo daliishan karona waxaa markhaati inoogaga filan qaabka ay uga fal celiyeen masuuliyiintu dhaliil runteeda iyo beenteeda midna aanay u muuqan dadka badankiisa marka laga eego xaga dulqaadka,aqbalaada dhaliilaha yimaad xafiiska iyo xataa qaabka loo bixiyo jawaab gaadhaysa dad badan oo aqoon ahaan iyo karti ahaanba ka horreeya hadba cidda haysa masuuliyadda xafiis sidan u yaal.

 

Geesta kale waxaa kasoo baxay yaraanta waxqabad la sheego inuu xafiiskani sameeyay waqtiyo badan oo uu jiray,iyagoo xataa hadii uu jirana aan odhan karo way sheegan kari waayeen sabab kastaa ha keentee.

sonyo ummer

Waxaa kaloo jirtay in aanay muuqan wax qorshe ah oo iyagu ay u hayaan dhalinyarta dalka waa sida ay sheegeene isla markaana aan lagu eedayn karin waxyaalo ay ku kacaan da,yartu taasoo ula muuqatay dadka warkan arkay xilkasnimo darro iyadoo su,aalaha ka dhashayna aynu ka xusi karno maxay ku foognaayeen 13 sano oo ay jirtay,maxayse tahay ogaal la,aanta ka haysata SONYO dhalinyartu iyo sidoo kale maxay xataa inyar oo garawshiiyo ah uga bixin waayeen qaladaadka lagu eedaynayo ee ay halqof oo keliya ugu jawaabeen iyadoo dalka dhalinyaradiisa ay masuuliyadi ka saarantahay,iyo Sonyo ma waxay ku faaneen inay labaatan dhalinyar ah oo keliya ganacsi u abuureen13 sano  iyo su,aalo kale.

 

Hadii aan dib u yara milicsado dhacdooyinka ku xeernaa amuurta dallada SONYO

 

Waxaa iyaduna xusid mudan in guud ahaanteen aynu ogaano marka lasoo qaado masuuliyad cid u haysa umadd oo la damco in la toosiyo,la tilmaamo,ama xataa la taabto cillad muuqata in aan loo arag in cid gaara loo jeedo ama la weerarayo oo ujeedo inta muuqata ka badani qarsoontahay balse laysla qaato sidii qalad jira loo sixi lahaa.

 

Iskusoo wada duuboo waxaa la gudboon maamulka iyo golaha hogaaminta ee daladda SONYO inay fahmaan in aan falaadhi gilgilasho kaga go,ayn isla markaan looga fadhiyo inay iska barraxaan dhaliilaha dul hoganaya ee ku aaddan cidda ay sheegaan inay magacooda matalaan,isla markaana ay dul u yeeshaan hadalada kaga yimaad guud ahaan bulashada gaar ahaanna da,yarta,waxaa sidoo kale la gudboon inay albaabada u furaan isla markaana sameeyaan xafiis lagu qabto talooyinka dhalinta dalka oo aanay hoosta ka xidhan dhismahooda, sidoo kalena soo bandhigaan barnaamijyo isugu jira,wacyigalin,wargalin,waano iyo xog warran ku saabsan hadba xaalada jirta.

 

ugu danbaynna waxaa haboon in aynu joojino xagxagashada  ujeedaysan ee ku qotonta danaha gaarka ah ee lagula kaco hadii ay jiraan DALLADA SONYO iyadoo aynu awoodi karno inaynu kula xisaabtano masuuliyadda ay dayaceen sonyo ee dushooda taal,waana dariiqa aynu u mari karno inaynu helno jiil cusub oo caafimaad qaba gees kasta kaasoo wax ka tari kara hiigsiga aynu leenahay qaran ahaan.

 

Qalinka: Axmed Cisman Batuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here