Somaliland:Xildhibaan Canbaareeyay Dilkii General Qassim Suleimani

0
640

Hargaysa (HP): Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay dilkii Jimcihii hore garoonka diyaaradaha magaaladda Baqdaad ee wadanka Ciraaq loogu gaystay sarkaalkii madaxda ka ahaa ciidamadda faro-gelinta dibadda u qaabilsan wadanka Iiraan.

General Qaassim Suleimani, ayaa dilkiisu yimid kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dawladda Maraykanku ay duqayn xagga cirka ah kula beegsadeen xilgi uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha Baqdaad.

Iyadoo dilkiisu uu xaalad murugsan ka dhex abuuray dawladaha Maraykanka iyo Iiraan, isla markaana ay ciidamadda Iiraan duqayn aargudasho ah ka gaysteen saldhigyo ay ciidamadda Maraykanku ku leeyihiin Ciraaq.

Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale, oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa ayaa sheegay in dilka general Qaassim Suleimani uu ahaa mid fool-xun, isla markaana ka baxsan qaabka ay dawladaha caalamku u wada shaqeeyaan.

Waxaanu yidhi, “Waxaan doonayaa in aan maanta ka hadlo arrinta dilka General Suleimani, ee dawladda Ciraaq dalkeedda ka dhex dhacay. Anigoo ku hadlaya Af-ka shacbiga Somaliland, waan canbaaraynaynaa dilkaasi.

Dil fool-xun, oo ka baxsan dadnimadda iyo dawladnimadda iyo caalamku qaabka uu u shaqeeyo, ka baxsan ayay  ahayd. Markaa dilka Suleimani, aad baanu u canbaaraynaynaa”.

Geesta kale xildhibaan Bashiir Tukaale, waxa uu ka hadlay is-baahaysi ay wada yeesheen dawladaha Carabta iyo Afrika ee kulaalla Badda Cas iyo Gacanka cadmeed, kadib shir ay todobaadkan ku yeesheen dalka Sucuudiga.

Xildhibaan Tukaale, ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid aanay Somaliland marnaba aqbalaynin,  maa daama oo aan laga qayb gelinin shirkaasi.

“Arrinta kale ee Badda, ee shirkii maalmahan la hadal hayay, ee wadamadda ku jeedda Badda Cas. Arrntaasi waanu ka soo hor jeednaa.

Iyadoo maamulka hawadaydadda aanaan hore u haynin, maanta na Baddii ayaa la marayaa.

Arrintaasi, mid aan aqbalayno, oo sina-ba aanu aqbalayno, ma aha”ayuu yidhi xildhibaan Bashiir Tukaale.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here