Somaliland: Xukuumadda Xayirtay HCTV iyo Weriyeyaal Laga Xidhay Telefishankaasi

0
631

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa xayiraad  saartay telefishanka madaxa banaan ee  HCTV iyadoo la xidhay tifaftiraha guud ee telefiishankaasi Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday).

Agaasimaha guud ee telefiishanka Horn Cable TV (HCTV) Maxamed Cabdi Sheekh (ilig), ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in saaka xarunta C.I.D ee Hargaysa lagu xidhay tifaftiraha guud ee telefiishanka HCTV.

Sidoo kale-na ay wasaaradda warfaafintu soo saartay Amar la doonayo in lagu xayiro telefiishanka.

Agaasime Ilig, oo arrimahaa ka hadlayayna wuxuu yidhi “Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa si rasmi ah u sheegay inuu HCTV saaray Xayiraad ka timid Wasaaraddiisa.

Sidoo kale waxa saaka 9:00-kii subaxnimo xarunta ciidanka Denbi-baadhista (C.I.D) looga yeedhay tifaftiraha telefiishanka HCTV, Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday).

Kadib markii loo akhriyay Warqadda eedda ee ka timid Wasaaradda Warfaafinta oo ah in isaga la xidho iyo in Tv-ga la xayiro, markaa waxa la xidhay Tifaftiraha Tv-ga HCTV, markaa Warka Xadhigga Tifaftiraha iyo Xayiraadda Tv-gu waa war Xaqiiq ah oo jira.”

 

Agaasimaha HCTV wuxuu sheegay in sababta xukuumaddu u qaadday tallaabada lagu xayiray telefiishanka, laguna xidhay tifaftiruhu tahay inay doonayso inaan telefiishanku aanu shacabka Somaliland u gudbin dhacdooyinka ka socda Hargaysa.

Sida Mudaharaadkii maanta ay taageerayaasha xisbiga WADDANI ka dhigeen magaaladda Hargaysa, “Xukuumaddu waxay ka gilgilanaysaa gudbinta iyo ka warramidda waxyaabaha Waddanka ka socda ee Maalinlaha ah.

Gaar ahaan mudaharaaddada uu xisbiga WADDANI ku baaqay, iyadoo taa ka gilgilanaysa ayay xalay wasiirrada xukuumaddu shir galeen. Waxayna ansixiyeen in aan maanta HCTV aan loo ogolaan gudbinta wararka ka dhacaya caasimadda Hargaysa”ayuu yidhi Ilig.

Geesta kale Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey Dacwad ay wasaaradda warfaafintu ka qabto warar uu telefiishanku baahiyay.

Gaar ahaan waraysi uu Tv-gu ka qaaday suldaan Wabar, oo hoggaamiya Jabhad la sheegay inay ka dhaqdhaqaaqdo Galbeedka  gobolka Awdal.

Waxaanu yidhi, “Waxa kale oo ay Maalmahanba nagu eedaynayeen Madaarka Hargeysa oo Maareeyuhu naga soo dacweeyay iyo Wasaaradda Warfaafinta oo ka dacwoonaysa Waraysi aanu ka qaadnay Suldaan Waber”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here