Somaliland: Xildhibaano Gole Degaan Oo Madaxweynaha Ka Dalbaday In Uu Kala Diro

0
761

Boorama (Hargeisa Press.com): Xildhibaanadda goleyaasha degaanka jamhuuriyadda Somaliland waxaa la doortay dabayaaqadii sanadkii 2012-kii, iyadoo muddo xileedkoodu kuna ku ekaa dhamaadkii sanadkii 2017-kii.

Hase yeeshee hal mar ayaa golaha Guurtidu  muddo kordhin ahayd sanad iyo badh ay u sameeyeen. Taasoo ku eg bisha April ee sanadkan aan ku jirno.

Waxaana mudooyinkanba aad loo hadal hayay in mar kale loo kordhin doono iyo in kale, inkastoo ay taas ku lamaan tahay hadal hayn kale oo ah in madaxweynuhu uu kala dirayo goleyaasha degaanka dalkoo dhan.

Hadaba waxaa markii u horaysay arrintaasi ka hadlay xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Boorama, kuwaasoo iyaga laftoodu madaxweynaha Somaliland ka dalbanaya in la kala dirro, maadaama oo muddo xileedkoodii iyo dheeraadba ay ku darsadeen.

Halkan Ka Daawo Xildhibaanadda madaxweynaha ka codsaday in uu kala dirro:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here