Somaliland: Wasiirka Duulista Oo Masuul Cusub U Magacaabay Afhayeenka Wasaaraddaasi

0
1083

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Wasiirka Wasaarada duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Mud. Cismaan C/laahi Saxardiid ayaa masuul cusub u magacaabay madaxa xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo saxaafadda ahna Afhayeenka wasaaradaasi. Sida uu ku sheegay Masuulkan cusub ee la magcaabay, barta uu ku leeyahay, Facebook-ga.

 

“Waxaa si buuxda laygu magcaabay, Madaxa Xafiiska Xidhiidhka Dadweyanaha iyo Saxaafada ahana Afhayeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Xilkan oo aan mudo ku dhaw laba bilood ku sii meelgaadh ahaan  ku  hayey.”

 

“Waxaan Alle ka baryayaa in uu xilkaa gudashadiisa igu garab galo, aniga oo muujindoona dadaal, daacadnimo, iyo xil gudasho.”

 

“Waxaan u mahad Celinayaa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxaradiid oo xilkan ii igmaday, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa Masuuliyiinta Wasaaradda Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha Guud, iyo , Agaasime  Waaxeedyada, Maamulayasha Madaarada oo Wasiirka ku dhiiri ga.

 

“Waxaan u mahad Celinayaa Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxaradiid oo xilkan ii igmaday, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa Masuuliyiinta Wasaaradda Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha Guud, iyo , Agaasime  Waaxeedyada, Maamulayasha Madaarada oo Wasiirka ku dhiiri galiyey in uu Xilkan ii Magcaabo.

warqada dul

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here