Somaliland: Tartankii Quraanka Kariim Ah Ee Shirkada Dahabshiil Oo Lagu Soo Gunaanaday Masaajidka Cali Mataan Ee Hargeysa + SAWIRRO

0
1369

Hargeysa, (HargeisaPress) —Tartankii quraanka kariimka ah ay maal galisay shirkada Dahabshiil ayaa lagu soo gaba gabeeyey magaalada Hargeysa.

 

Tartanka oo ay ka qayb galeen arday ka socota  gobolada waa weyn ee somaliland  ayaa munaasibad lagu soo gaba gabayey oo lagu qabtay masaajidka Cali mataan ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirada diinta, dib u dejinta iyo culimo aw diin fara badan.

IMG_0017

Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ka mid ah guddida guud ee qiimaynaysay ardayda oo ka war bixinaya heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray tartanku ayaa waxa uu yidhi “Tartanka quraanku waxa uu ku dhaw yahay rubuc qarni waxaanu soo bilaabmay sanadkii 1992, sanadkii uu kacayna waxay ahayd 1998 markii guddida qaban qaabadu go,aan ku gaadheen in tartanka aad loo baahiyo ujeedaduna ahayd inay dalka u soo baxaan dhalinyaro quraanka aad ugu wanaagsan, markii aanu go,aankaas qaadanayna wax dhaqaale ah umaanu hayn balse waxaanu u tagnay gudoomiyaha Dahabshiil Maxamed Siciid waxaanan ku nidhi ducada qaado isaguna wuu qaatay ilaa haatana isaga ayaa sidii u wada waanay wadayaan sida ay balan qaadeen.”

IMG_0021

Sheekh Maxamed Aadan ayaa sidoo kale sharaxay shuruudaha lagu galo tartanka quraanka ee ay maal galiso shirkada Dahabshiil waxaanu yidhi “Shuruudaha tartanka quraanka lagu galo waxa ka mid ah in dalka oo dhami ka qayb galo, laba qaybood ayaanu qaybsamaa 30-ka jis iyo 15-ka jis,  waxaana tartanka 15-ka jis gali kara oo kaliya 14 jir iyo wixii ka yar, 30-ka jisna waxa gali kara oo kaliya 18 iyo wixii ka yar, waana inay goboladu sidaas u ogaadaan, tirada ardayda sanadkan gashayna waa 65 arday, 30 arday 30-ka jis ayey ku galeen 35- ardayna waxay ku galeen 15-ka jis,  waxa kale oo jira tartan bilaabmay oo hablaha ah kuwaas tiradoodu tahay 31 hablood.”

IMG_9965

Sidoo kale Sheekh Maxamed Aadan waxa kale oo uu ka waramay qiimaynta ka soo baxday tartankii loo qabtay ardayda waxaanu  yidhi “Sanadkan waxa la sameeyey guddi kale oo loogu tala galay inay sameeyaan qiimayn guud oo ku saabsan dhaliisha iyo wanaaga ka muuqda quraanka kariimka ah ee ay akhrinayeen ardaydu, qiimayntiina waxa ka soo baxay in ardaydii quraanka inoo xifdiyeysay ay inoo bateen dedaalkooduna aad u sareeyo, in ardaydu ay aad u barteen akhrinta quraanka,  dhaliisha ka soo baxdayna waxay noqotay in ardayda ay iska galayaan qiraa’aadka quraanku, waxa kale oo ka soo baxday in ardayda looga baahan yahay inay codka aad u sii giijiyaan, waxa kale oo ka soo baxay inay goboladu ku kala sareeyaan dhinaca dedaalka quraanka.”

IMG_9961

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka waramay muhiimada ay leedahay tarbiyada caruurtu iyo caruurta lagu barbaariyo barashada quraanka kariimka ah.

IMG_00100

Sidoo kale wasiirka dib u dejinta somaliland Cali Siciid Raygal iyo wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay muhiimada ay leedahay in caruurta lagu barbaariyo xifdiga quraanka kariimka ah.

IMG_9927

Ugu danbayntiina waxa munaasibaadaasi abaal marino qaali ah lagu gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartanka quraanka  kariimka ah ee ay maal galisay shirkada Dahabshiil.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here