“Qaadku marka run laga hadlo waa arrin adag haddii aanu”…

0
1137

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in aanay suurto gal ahayn in wakhtigan la joojiyo Qaadka Somaliland uga yimaadda dhinaca dalka Itoobiya.

Kadib xili ay isla maanta sheegtay Somaliland in ay xidhay gebi ahaanba xuduudaha dhulka ee ay Somaliland la leedahay dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya muddo saddex todobaad ah

Taasoo ka bilaabanaysa maalinta beriya oo ay bishu tahay 26-ka March, iyadoo la joojiyay dhamaanba waxyaabaha dalka ka soo gala dhinaca dhulka.

Arrinta la xidhiidha joojinta Qaadka ayay maalmahan si weyn bulshadu iskula dhex marayeen hadal hayn la xidhiidha in la joojiyo Qaadka, maadaama oo Itoobiya laga helay kiisas badan oo xanuunka Corona ah.

Hase yeeshee  wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo xubin ka ah guddiga heer qaran ee  ka hor taga Covid 19 ayaa cadeeyay in ay arrin adag tahay in lagu deg-dego joojinta Qaadka.

Taasoo uu ku sababeeyay xuduudka aadka u dheer ee ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya oo aan la wada ilaalin Karin.

Waxaanu yidhi, “Qaadka marka si run ah looga hadlayo, Qaadku waa mawduuc (issue) adag. Haddii aanu ka joojino in uu Wajaale ka soo gallo, xuduud 1000 KM ah ayaanu la leenahay Itoobiya. Kunkaa kiiloo mitir Waddo kastaaba way furan tahay”.

Gawaadhida Qaadka ka soo qaadaya Itoobiya ayuu sheegay wasiir Koore, in aan loo ogolayn in ay soo raacaan wax ka badan laba qof, oo weliba caafimaadkoodda la soo baadhay.

“Waxaanu isku deyaynaa in aanu dhibtiisa yarayno. Labadda qof ee baabuurka Qaadka soo raacayaa ay noqdaan laba qof oo la baadhay caafimaadkoodda, Wadadiisiina aanu hadda u dayno”ayuu yidhi wasiir Koore, oo maanta u waramay BBC.

Geesta kale wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in haddii loo arko in dhibaato ay bulshadda kaga soo socoto dhinaca Qaadka in markaa tallo laga yeelan doono.

Waxaanu yidhi, “Haddii loo arko dhibaato iyo wax weyn, oo ummada dhib ku ah in uu yimaadana, markaa tallo ayaa looga noqonayaa, ummadana waxbaa laga waydiinayaa”.

 

Dhinaca kale Qaadka ka yimaadda Itoobiya waxaa dhaqaale ahaan ku tiirsan dawladda Somaliland oo dakhli fara badani ka soo gallo cashuurtiisa. Halka sidoo kale-na ay nolol ahaan ugu tiirsan yihiin kumanaan qoysas ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here