Somaliland oo Xabsiga Ka Sii Daysay Mulkiilihii Astaan Tv

0
1875
Mulkiilaha Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf
Mulkiilaha Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf

Hargeisa (Hargeisa Press) — Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay maanta Xabsiga ka sii daysay Mulkiilihii guud ee Telefiishanka Astaan, Cabdimanaan Yuusuf.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa bishii November xukun adag ku riday Cabdimanaan Yuusuf iyo Telefiishanka Astaan.

Waxaanay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex mulkiilaha Astaan Tv ku xukuntay 5 Sanno oo xadhig ah, in la xidho TV-ga Astaan iyo Ganaax lacageed oo gaadhaya 2 Million oo lacagta shilinka Somaliland ah.

Cabdimanaan Yuusuf ayaa waxaa cafis u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sida ay ehelkiisu sheegeen.

Milkiilaha Astaan oo markii hore laga afduubtay Hotel ku yaalla magaalada Hargeysa ayaa muddo lagu hayey xabsiga weyn ee Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here