Somaliland oo Tababar U Soo Xidhay Ciidamo Komaandoos Ah

0
1348

Dararweyne (Hargeisa Press)- Kuuliyada Tababarka Saraakiisha ee Cabdilaahi Askar oo ku taalla akaadamiyadda Ciidanka qaranka Dararweyne, ayaa tababar loogu soo xidhay Ciidamo ka tirsan Milateriga Somaliland.

Ciidamadan oo muddo lagu carbinayay kuuliyada tababarka ee Dararweyne, ayaa munaasibad loogu soo xidhayay dugsiga Dararweyne ee bariga magaalada Hargeysa.

Ciidamadan tababarka loo soo xidhay, ayaa ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Komaandoosta, waxaana uu muddo tababar uga socday dugsiga Dararweyne

Waxaa Ciidamadan tababarka u soo xidhay Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada Somaliland Gaashaanke sare Maxamed Shabcaan Cali.

Ciidamaddan kamaandoosta Somaliland ee tababarku u soo dhaamaday, ayaa ku soo beegmaya xili munaasibada xuska maalinta ee Somaliland 18 May oo ay maalmo kooban inaga xigaan, iyadoona uu qaranku tacab badan geliyey ciidamadan, ayaa u diyaara inay dalkooda iyo dadkoodaba ka difaacaan gardarrada cadowga.

May be an image of 2 people

May be an image of 4 people and text

May be an image of 7 people

May be an image of 4 people

May be an image of 6 people

May be an image of 2 people

May be an image of 6 people and road

May be an image of 8 people

May be an image of 3 people, motorcycle and text

May be an image of 9 people and text

May be an image of 4 people and text

May be an image of 7 people

May be an image of 10 people, people skeet shooting and grass

May be an image of 7 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here