Somaliland oo soo bandhigtay cadayn-muujinaysa xidhiidhka ka dhexeeya Waddani iyo Soomaaliya

0
3314

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay si kulul uga jawaabtay hadalkii ka soo yeedhay Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in midnimo dhexmarta labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ay ka xigto doorashada Madaxtooyada ee dhawaan dalka Somaliland ka dhacaysa oo ay ku guulaystaan Xisbiyada Mucaaradku.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa hadalka ka yeedhay Raysal wasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay mid aan sahlanayn oo aan marnaba dhacayn.

Waxaa kale oo uu ka hadlay jawaabtii Xisbiga Waddani ka bixiyay hadalkii Raysal wasaaraha Soomaaliya, isagoona sheegay in jawaabta uu Waddani bixiyay aanay ahayn mid ku filan hadalka ka soo yeedhay Raysal wasaaraha Soomaaliya, isla-markaana looga baahan yahay inay fagaare ka cadeeyaan.

Wasiirka Buuni  ayaa waxaa uu soo bandhigay waraaq uu ku sheegay inay cadaynayso xidhiidhka ka dhexeeya Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Madaxda maamulka Soomaaliya.

Wasiirka, ayaa ugu dambayn wuxuu farriin culus u diray shacabka Somaliland, isagoona ugu baaqay in ay doortaan cidii Dan u ah qaranka Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here