Somaliland Oo Sii Daysay 14 Maxbuus Oo u Dhashay Puntland Lagu Qabtay Dagaalkii Tukaraq

0
695

Hargeysa,(HargeisaPress)—Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi xuskii sannad-guurada 28-aad ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May, waxa uu sheegay in dawladda Somaliland mar walba nabad buuxda u hayso cid kasta, sidaa awgeedna sii daynayso maxaabiistii lagu qabtay  dagaalkii   lagu soo qaaday deegaanka Tukaraq ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee maamulka farmaajo ka danbeeyay.

Tallaabadaas oo muujinaysa in Somaliland mudnaan weyn siisay  amniga iyo nabadda, xukuumadda Somaliland, waxa ka go’an ahmiyadda weyn ee nabad-gelyadu leedahay, taas oo beesha caalamka iyo mandaqadda geeska Afrika u caddaynaysa sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay xoojinta nabadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here