Somaliland oo Shaacisay In Shirkadda Uganda Airlines Ay Markii Ugu Horeysay Duulimaad Ka Bilaabayso Hargeysa

0
808

Kampala (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay Shirkadda Diyaaradaha ee Uganda Airlines ay duulimaad cusub ka bilaabi doonto magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasna waxa  daabacay Wargeyska East African Business Week ee ka soo baxa Magaalada Kampala, oo ay soo xigatay Shabakada Hargeisa Press.

Warsiduhu wuxuu ku warramay in diyaaradda Uganda Airlines ayaa shaacisay toddobaadkan inay duulimaadyadeeda Gobolka Bariga Afrika ay ku soo kordhinayso saddex duulimaad oo cusub.

Sarkaal u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay inay tallaabo weyn tahay in Shirkadda Uganda Airline ay ka degto Magaalada Hargeysa, waxaannu intaas ku daray in arrintaasi ay guul u tahay gobolka bariga Afrika.

Masuulkaas ka tirsan Wasaaradda Khaarajiga Somaliland wuxuu ku dooday in Shirkadaha Diyaaradaha Uganda oo timaada Hargeysa ay kor u qaadi doonto cilaaqaadka ganacsi ee u dhexeeya labada dal, isla markaana ay isku furi doonto shacabka Somaliland iyo Uganda.

Shirkadaha Diyaaradaha ee Uganda ayaa  noqonaysa tii labaad ee dalalka bariga Afrika ee soo labeysa Shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo duulimaadyo toos ah ku timaada Madaarka caalamiga ah ee Cigaal.

East African Business Week wuxuu intaas ku daray in dawladda Somaliland ay sidoo kale danaynayso in Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya ay duulimaadyo ku tagto Hargeysa, arrintaasi oo uu dedaal  ugu jiro Wakiilka Somaliland u qaabilsan Kenya Baashe Cawil Cumar oo xusay in ay jiraan ganacsato ka dhex shaqeysta Hargeysa iyo Nairobi oo u baahan inay toos iskugu xidhmaan halkii ay ka sii mari lahaayeen Addis-ababa.

https://www.busiweek.com/somaliland-ready-to-welcome-first-uganda-airlines-flight-to-hargeisa/?fbclid=IwAR3K9qQG6RNe_PiNTSZaz_9-GdhWlNv98qTvPF3kd0QAGpr9qXe9G2RQN6E

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here