Abiy Axmed oo Ku Guuleystay Biladda Abaal Marinta Nabadda Ee Nobel

0
657

Oslo (Hargeisa Press)- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku guuleystay biladda abaal marinta nabadda.

Biladda abaal marinta nabadda sannadkan 2019-ka waxaa la guddoonsiiyay ra’iisal wasaaraha Itooboya, Abiy Axmed.

Waxaana la bogaadiyay dadaallada nabadda uu gadhwadeenka ka yahay ee gobolka iyo kaalinta uu ka qaatay iskaashiga caalamiga ah.

Heshiskii nabadeed ay wada gaadheen Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu soo afjaray dagaalkii 20 sanno socday oo u dhexeeyay labada dal.

Abiy Axmed ayaa loo magacaabay shakhsiga 100-daa ee ku guuleysta biladda abaal marinta nabadda ee Oslo.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY